Post View....

Sheekh Cali Wajiis “1995tii ayaan ogaaday danta Mareykanka ee Galmudug..”

0
96

Sheekh Cali Maxamed Xasan (Cali Wajiis),oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedada mareykanka uu ka leeyahay soomaaliya uu ogaaday sanadkii 1995 tii xiligaasi oo uu sheegay in uu su’aal ka weydiiyey mid kamid ah aqoonyahaanada mareykanka uu u sheegay in soomaaliya ay u qeybsami doonto maamulo fara badan kadibna mareykanka uu diirada saari doono helista shidaalka ku jira Gobolada dhexe Soomaaliya si gaar ah Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in galmudug oo midowday ay tahay soomaaliya oo midowday Beesha caalamkana aysan ku farxi doonin arinkaas maadaama uu sheegay caqabadda heysata Soomaliaya in ay tahay kala qeybsanaanta shacbka Soomaaliyeed iyo Qabyalada faraha badan ee Soomaalidu hada ku dhaqanto.

About Author