Post View....

Maamulka Jubba-land “Al-shabaab waxay ka faa’iideysanayaan mashquulka Doorashada jubland.

0
108

Magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG Jubba-land waxaa si xiriir ah uga soconaya shirarka looga hadlayo Amaanka magaalada kadib weerarkii shabaab jimcihii ku qaadeen Hotelka Cas-Casey ee magaalada kismaayo, halkaasi oo shabaab ay ku dileen dad kor u dhaafaya 20 Qof kuna dhaawaceen 50 kale.

Wasaaradda amniga maamulka jubb-land oo ka duuleysa in uu soo noqdo mid la mid ah weerarkaas ayaa waxay haatan magaalada kismaayo ka wadaan dadaalo la xiriira dhira gelinta shacabka ku nool kismaayo.

Af-hayeenka wasaarada Amniga mamulka jubland oo war-baahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka faa iideystaan mashquulka Doorashada jubland balse arinkaa uu dhamaaday.

Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa shacbka ku nool kismayo uga baaqay in ay la shaqeeyaan wiilashooda ku hoolan ka hor tgista Halista Shabaab.

About Author