Post View....

Senator Saciido ”Farmaajo waxa uu baalmaray hanaanka awood qaybsiga beelaha”

0
124

Senator Saciido Xasan Cusmaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha Aqalka Sare oo maanta Warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa ku eedeeysay Madaxweyne Farmaajo in uu dulmiyay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanadda ayaa sheegtay in baalmaray Hanaanka Awood qeybsiga beelaha, islamarkaana qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed la duudsiyay Kuraas ay ka mid yihiin Safiiro oo ay lahaayeen.

Waxa ay tilmaamtay in Madaxweynaha beeshiisa uu u Magacaabay labo Safiir sidoo kalena uu diiday hal kursi oo ay leeyihiin Mid ka mid ah beelaha gobolka Sanaag in uu Magacaabo.

Xildhibaanadda ayaa xustay in Madaxweyne Farmaajo sidoo kalena daacad aysan ka aheyn in heshiis ay wadda gaaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana Guddiga uu Magacaabay aysan aheyn kuwo xal keeni kara.

About Author