Post View....

SAWIRO:-Muuse Biixi & Safiirka Midowga Yurub oo ka wada hadlay wadahadallada DF

0
103

Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo Maamulkaas.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midowga Yurub ka wadaan Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu lafo-guray wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Somaliland ka taagan tahay wada hadallo dhexmara Soomaaliya iyo Soomaaliland  iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midowga Yurub iyo  Somaliland ka dhaxeeya.

About Author