Post View....

Sawirro:-Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dowladda Federaalka Oo Ka Dhacay Kismaayo

0
114

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaliya.

Dadka banaanbaxa dhigay ayaa ka soo horjeeday faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka ay ku heyso arrimaha Jubbaland gaar ahaan doorashooyinka ee dhawaan lagu qaban doono Kismaayo.

Kumanaan dadweyne oo ka kala yimid xaafadaha Kismaayo ayaa waxa ay socod dheer ku soo mareen wadada halbowlaha u ah halkaas, waxa ayna wateen boorar ay  ku xardhanyihiin qoraallo ka turjumaya midnimada Jubbaland iyo kuwo kale.

Sidoo kale dadka dhigayay banaanbaxa ayaa  Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta iyo Shacabka ugu baaqay sidii ay uga wada qayb qaadan lahaayeen ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaanada Jubbaland.

Sikastaba dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa  todobaadkii la soo dhaafay hakisay wadashaqeyntii ay la aheyd dowladda Federaalka,isla markaana sheegtay in wax mas’uul ah oo ka socda dowladda uusan ka imaan karin deegaanada Jubbaland.

About Author