Post View....

Ganacsatadda Muslimiinta Ku Nool Caasimadda Shiinaha Oo Lagu Soo Rogay Amar Adag

0
123

Maamulayaasha dalkaasi waxay ku amreen Gnaacsatadda Muslimiinta eel eh Baararka iyo goobaha lagu iibiyo cuntada Xalaasha inay Boorarka ku qoran Farta Carabiga iyo qoraalladda leh Astaamaha Muslimiinta ka wada fujiyaan goobahooda Ganacsiga.

Shaqaalaha ilaa 11 Baar iyo Dukaamo lagu iibiyo Cuntada Xalaasha oo ku taalla magaalladda Bejing ayey Saraakiishu ku amreen inay Muuqaaladda xiriirka leh Islaamka, sida Bisha iyo Ergayga Xalaal ee lagu qoray Farta Carabiga ka wada dejiyaan, kana masaxaan Goobahooda Ganacsiga.

Mid ka mid ah Ganacsatadaasi oo qariyey magaciisa ayaa u sheegay Suxufiyiinta in loo sheegay inay qoraalladaasi yihiin Dhaqan Shisheeye, loona baahan yahay inay aad u isticmaalaan Dhaqanka Shiinaha.

Magaalladda Bejing waxaa ku yaalla ugu yaraan 1,000 Baraar iyo goobo ganacsi oo lagu iibiyo cuntada Xalaasha ah, mana kala cadda in dhamaantooda loo wada sheegay inay Qoraalladda Carabiga iyo Calaamadaha Muslimiinta ka fujiyaan goobahooda Ganacsiga.

Balse, Muslimiinta waxa uu dareen khaas ah ku yimid, kadib, Kacdoonkii Musslimiinta Uighur ee looga tiro badan yahay dalkaasi ay dagaal la galeen Qowmiyadda Han ee tirada badan Galbeedka Fog ee Gobalka Shinjiyaand oo ay ku nool yihiin Qowmiyadda Uighur ee Muslimiinka ah.

But Muslims have come in for particular attention since a riot in 2009 between mostly Muslim Uighur people and majority Han Chinese in the far western region of Xinjiang, home to the Uighur minority.

Haatan, dalalka Reer Galbeedka iyo Kooxahooda Xuquuqda Adanaha waxa dareen naqdin leh ku hayaan Siyaasadda Dowladda Shiinaha ee ay ku hayaan Muslimiinta Shiinaha ee laga tirada badan yahay, kuwaasi oo haatan lagu hayo Xarumo waa weyn iyo  Ilaalo lagu hayo Muslimiinta Uighurs iyo Muslimiinta kale ee ku nool dalkaasi.

About Author