Post View....

RW.Khayre “Dhismaha Galmudug waxay fursad inoo siineysaa dhameystirka dagaalka aan kula jirno khawaarijta..”

0
113

Mudane Xassan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka khawaarijta looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta salaaddii Jimcaha kula dukaday masjidka Ragaya boqollaal qof oo reer Dhuusamareeb ah ayaa hadal uu ka jeeiyay ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamay khawaarijta Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo sidii dalka oo idil looga ciribtiri lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo.

About Author