Post View....

Madaxdu waaba na tuseen iyaga oo Gacmaha is heeysto oo Toqfolaha leeyrinayo!!!

0
130

Madaxdu waaba na tuseen iyaga oo Gacmaha is heeysto oo Toqfolaha leeyrinayo ,ee mana tuseen iyaga oo Quluubtu is heysto.

Dhamaadkii Dagaaladii Afar Billoodka ee Xamar, ayaa waxa isku yimid Odayaashii dhaqanka ee Labadda dhinac ee dagaalay, markii doodii la isku fahmi waayay, lana gaaray waqtigii Saladda Maqrib, Safkii Salaadana la galay ayaa Imaamkii yiri: Istawuu, istawuu, Safafka sina, Lugahiina sina.

Macallin Haaruun AUN oo ka mid ahaa odayaashii Dhaqanka ayaa ku yiri Jamaacadii: (walba Lugahiina sina , Annigaa og oo Quluubtiinu ma sinee).

Hadda Siyaasiyiinta Gacmahooda waan aragnaa ee Quluubtoodu ma siman tahay? waad aragtay Gacmahooda oo kor u taagan oo isku duuban, ma aragtay Quluubtooda oo isku duuban? Wixii lagu heshiiyay ama la ballan qaaday si sax ah ma u fuleen?

Toqfolaha, Shuqfosha, Kilkisha ama Shiirtada Qofba siduu u yaqaan waad leeyriseen ee Quluubta ma leeyriseen?. Siyaasiyiineey markaan aragno Adinkoo Gacmaha is heysto, waan ku faraxnaa. Wax yar kadib, maxaad noo niyad jabisaan oo ballantii looga baxaa?. Gacmahiina aragnaye Quluubtiina, ma arki karnaa?

Haddaad naga qarisiin waxa quluubtiina ku jiro, horaa qur’aanku noogu sheegay, Maalinta Sirta la soo bandhigayo, Qiyaamahaan waxba ma qarsoona, kuwa ceebtooda Alla asturo maahee.

ALLA ka baqa Gacmahiina iyo Quluubtiinu ha isla socdeen, intaad naga farxisiin haddana hanaga nixinina, sidaad gacmihiina isagu duubteen, Quluubtiina isagu duuba.

Adiguna fiiri 11 ka Sawir ee Toqfula leeyriska , ugna duceey in Quluubtooda ALLA isku duubo ( F.S: 1-11aad)

Qore: Yahya Amir

About Author