Post View....

Ra’iisul-Wasaarihii Shiinaha Ee Mayalka Adkaa Oo Geeriyooday

0
112

Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Shiinaha, Li Peng  ayaa la sheegay inuu xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Pejing, inkastoo aan la shaacinin nooca uu yahay cuddurka uu u geriyooday.

Li Pen goo lagu naanaysi jirey Kawaanlihii Pejing waxa uu ku caan baxay Xukunkii Degdega ee la soo rogay muddadii ay dibadbaxyadda Dimuqraadi-dooni ah ka dhaceen Fagaaraha Tiyanmen oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Pejing.

Ciiddanka waxay xilligaasi dileen Boqolaal ka mid ah dadkii dhigayey Dibadbaxyadda, iyadoo

Li Peng oo 91-jir ahaa waxa uu Xilka Ra’isul-wasaarenimada ka  degay sannadkii 1988-kii, kadib, markii loo doortay Guddoomiyaha  Xisbiga Shuuciga ee  dalkaasi, wuxuuna hawlgab ka noqday Xisbiga  sannadkii 2002-dii oo qeyb ka ahayd in Hoggaamiyayaasha Jiilka cusub lagu wareejiyo Talada dalkaasi.

About Author