Post View....

Sawirro:-Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Maanta Shir Daah-Furay

0
106

Shirkaan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey , xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, howl wadeeno kale oo ka socday Puntland  iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa shirka khudbad uu ka jeediyay waxa uu ku dheeraaday muhiimadda shirkaan looga hadlayo horumarinta degmooyinka Puntland.

“Waxaynu halkaan isugu nimid inaynu dib u milicsano howlihii sanadka 2018-2019 ee adeeg bixinta fidsan ee dowlaha hoose, wixii inoo qabsoomay, wixii inaka baaqday, Caqabadaha jira iyo xal u helliddooda iyo hiigsigeena Mustaqbalka”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay inay qabsoomeen howlihii adeeg bixinta ee tijaabada ahaa ee uu ka howlgalo mashruuca JPLG, kaas oo ay iska kaashadaan Puntland iyo hay’addaha Qaramda Midoobay, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dedaalka halkaasi laga sii badiyo.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kasoo qayb galayaasha ku booriyay inay shirkaan maanta kasoo saaraan Talooyin ku aadan sidii loo gaadhi lahaa adeeg bixin baahsan oo laga hirgaliyo dhammaan degmooyinka, taas oo ay taageerayso dawlada dhexe ee Puntland.

About Author