Post View....

Qodobo looga hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

0
100

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 10/7/2019 waxaa ay yeelanayaan kulankoodii 25aad kal-fadhigooda 5aad ee caadiga ahaa kaas oo ka qabsoomi doona Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Duulista Hawada ee Rayidka iyo Akhrinta 3aad ee Xisaab Xirka Sanadka 2017.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyey in Maanta oo Arbaco ah in uu jiro kulanka Golaha,isla markaana la doonayo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kasoo qeyb galaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobadyadii la soo dhaafay waxaa ka baaqday kulamo qaar taas oo loo aaneynayo in uu u baaqdo kooram la’aan,waxaana Sabtidii todobaadkan ay ansixiyeen Xeer Saxaafada oo wax ka beddel lagu sameeyay.

About Author