Post View....

BOOLAXOOFTAYNTII CABDILLE BIROOLE OO LASOO OGAADAY WAXAY DAARNAYD!!

0
107

Maalintii Shalay ahayd waxaa safar gaaban magaalada uga baxay Axmed Madoobe oo ku labisan Tuute taasoo dadku ay u sawirteen inay ahayd boolaxooftayntii waayadaanba lagu bartay wax cusub oo dheeri ahna aysan soo kordhinayn.

Hadaba dabagal kadib waxaan idiin xaqiijinayaa sababta rasmiga ah ee ka danbaysay booqashadaas iyo waxa ay daarnayd iyo ujeedka laga lahaa intaba.

Safarkaan ayaa daarnaa Muuqaal Documentary ah oo uu samaynayay Wariye ay Axmed Madoobe qaraabo yihiin laguna magacaabo Jamaal Maxamed Cismaan oo ah ninka ka danbeeyay fikirka safarka oo ahaa mid lagu doonayo in dib bulshada looga gado Axmed Madoobe.

Barnaamijkaan Bakhtinoolayska ah ayaa looga danlahaa in lagu muujiyo in jillaaga caanka ah Axmed Madoobe sidii loogu muujin lahaa inuu yahay, Hogaamiye awood leh bulshadiisa u naxariista taageero aad u badana ku haysta magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Jamaal Maxamed Cismaan oo u yimid magaalada Kismaayo inuu ka qaybgalo shir beeleed kadhacayay oo Horjoogaha lagu taageerayay ayay fikrada samaynta Filim Taariikheedkaan ku dhalatay si bal la isugu dayo bal in la iibin karo inuu Hogaamiye lajecel yahay Axmed Madoobe yahay taasoo ah mid xaqiiqda aad uga fog.

Sikastaba ha ahaatee Jamaal kuma guulaysan doono inuu sumcadda Axmed Madoobe ee dhulka taalla dib Ummadda Soomaaliyeed ugu naashnaasho maadaama si aad ah looga dheragsan yahay waxa uu galo iyo waxa uu gudo maalmihiisiina ay noqdeen kuwo faraha lagu tirinayo uuna ku danbayn doono Qashin-qubka Taariikhda.

Isahaq A Ilmi

About Author