Xiisadaas oo dhowr mar gacan ka hadal isku bedeshay ayaa waxaa ay ka jirtaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag,waxaana jirta Ciidamo weli isku hor-fadhiya deegaanadii lagu dagaalamay ee labadaasi gobol.
James Swan Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabisan Soomaaliya ayaa ugu baaqay labada maamul ee isku haya goboladaas inay wax walba wahadal ku raadiyaan,isla markaana ay joojiyaan xiisada u dhaxeysa.
“Qaramada Mioobay waxa ay aad uga xun tahay colaada u dhaxeysa Soomaaliland & Puntland ee ka taagan Gobolada Sool iyo Sanaag,waxan ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Somaliland inay wadahadal ku xaliyaan khilaafka u dhexeeya ee gobolada Sool iyo Sanaag.”ayuu yiri James Swan.
Colaada u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa soo jiitameysay dhowrkii sano ee ugu dambeysay,waxana horay u jirtay in dhowr uu isku dayay in uu xaliyo Wakiilkii hore ee Qaramada Mioobay u qaabilsanaa Arrimaha Soomaaliya ee Nicholas Haysom balse uusan ku guuleysan.