Post View....

Dagaalkii Ceel-Afweyn oo xoogeystay & Wararkii u dambeeyay

0
107

Dagaalka oo markii hore ka bilaawday deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag ayaa la sheegay in uu ku fiday deegaano kale,isla markaana dagaalka xoogiisa uu dhacay shalay gelinkii dambe.

Goobjoogayaal iyo saraakiisha Caafimaadka ee degmada Ceel-Afweyn ayaa waxaa ay sheegeen in dadka ku dhintay dagaalkaas ay gaarayaan ilaa 25 ruux halka 30 kale ay ku dhaawacmeen.

Majirto cid ilaa iyo hadda kala dhex-gashay maleeshiyaadka deegaanada hoostaga degmada Ceel-Afweyn ku dagaalamaya,waxaana dagaalkooda uu yahay mid soo lab laabtay oo dhowr mar heshiis laga gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulan deg deg ah la qaatay saraakiisha Ciidamada ayaa amray in si deg deg ah Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliland loo kala dhex-dhigo maleeshiyaadka dagaalamaya.

Wararka ugu dambeeyay ee haatan aan ka heleyno deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in weli labada maleeshiyo beeleed ay ishor-fadhiyaan,isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.

About Author