Post View....

Qaxooti Soomaali Ku Biiri Lahaa Kooxda Daacish Oo La Qabtay

0
107

Labada Muwaadin oo midkooda haysta Deganaansha Maraykanka iyo halka midka kalena uu Qaxooti yahay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Mahad Maxamed oo 21-jir ah iyo  Cabdi Yemani Xuseen oo 20-jir ah waxaa lagu soo oogay inay qorsheynayeen inay qalab ku taageeraan, kuna biiraan Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Masar.

Waaxda Caddaaladda Maraykanka waxay xalay ka hadashay dacwadda loo haysto Labada qof ee Soomaalida ee la qabtay iyagoo doonayey inay ku biiraan Malaaeshiyadda Kooxda Daacish, waxaana la sheegay inay Eedeysanayaasha xiriir la yeesheen Shaqaale dhar Cad oo ka tirsan Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI-da, kaasi oo ay rumeysnaayeen inuu ahaa Taageere rumeysan Aydhoolajiyadda ama Aragtida Kooxda Daacish.

Wada-hadalkooda ayey Labada nin ee Soomaalida ku sheegeen inay doonayaan inay u dagaalamaan Kooxda Daacish iyo inay weeraro ka geystaan gudaha Maraykanka, haddii ay u suurto-geli  weydo inay dhoofaan.

Axmed Mahad Maxamed iyo Cabdi Yemani Xuseen ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota ee dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee,  Hay’adda FBI-da waxay horey u qabatay 45 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo qorsheynayey inay ku biiraan Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalalka Somalia iyo Iraq

About Author