Post View....

Dad Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Suuq Ku Yaalla Yemen

0
114

Diyaaradaha isbahaysiga Sacuudiga ayaa la sheegay inay ugu yaraan 10 qof ku dileen duqeyn ay la begsadeen Suuq  mashquul ahaa oo ku yaalla Degmadda Qatabir ee Gobalka Sacda ee Waqooyiga Yemen.

Maareeyaha Isbitaalka Jamhuuriya ee ku yaalla Degmadda ay duqeynta ka dhacday ayaa sheegay in duqeyntii shalay dhacday lagu dilay  13 qof oo 2 ka mid carruur ahaayeen, laguna dhaawacay 23-kale.

Maareeyaha oo lagu magacaabo Saalax Qorban oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS  waxa uu sheegay inay 13 carruur ah ka mid yihiin dadka lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Duqeyntaasi.

About Author