Post View....

Qaramada Midoobay : Kismaayo waxaan ka rabnaa doorasho xaq iyo xalaal ah

0
111

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, ayaa halkaas kula kulmay madaxda dowlad goboleedka Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Ergeyga ayaa war saxaafadeed ku sheegay in uu wadahalo furan, oo dhab-ka-hadal ah la yeeshay Axmed Islaam, uuna u caddeeyay moowqifka Qaramada Midoobay ee ah in halkaas ay ka dhacdo doorasho xaq ah.

“Waxaan hoosta ka xariiqay aragtida beesha caalamka ee ah in hannaanka doorashada ay u dhacdo qalalaase la’aan, xilligeedii ku qabsoonto, si farogalin la’aan ah, taas oo loo raacay habkii hufnaanta ee xaqa ahayd, taas oo ay aqbali karaan dhammaan dhinacyada. Hannaankan ayaa horseedi kara nabad, xasilooni, iyo horumar dhaqaale oo ay Jubbaland gaarto” ayuu lagu yiri war saxaafadeedka.

Balse war saxaafadeed kale oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay qodobo aanan ku xusnayn qoraaalka xafiiska Qaramada Midoobay , waxaana lagu yiri “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka”.

Qoraalka Jubbaland oo sii socda ayaa lagu yiri “Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay masuuliyad u taala Jubbaland”.

Qodobadan ay Jubbaland ka dhawaajisay in ay ka wada hadleen xafiiska Qaramada Midoobay, balse aanan xaqiijin laga haynin xafiiskaas, ayaa waxa ay yihiin kuwii ay isku hayeen Jubbaland iyo dowladda federaalka.

War qoraal ah oo ay horey usoo saartay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ayaa lagu qeexay hab raaca dowladda dooneyso in ay u dhacaan doorashooyinka Jubbaland, waxaana ka mid ah in odayaashii rasmiga ahaa ay soo xulaan xildhibaanada, doorashadana lagu qabto xarunta tabobarka booliiska ama xarunta UNSOM ee Garoonka Kismaayo, halkaas oo amnigeeda ay illaalinayso AMISOM iyo ciidamo kale oo isku dhaf ah.

Qaar ka mid ah musharixiinta ugu cadcad ee u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland ayaa BBC-da u sheegay in ay walaac ka qabaan amniga doorashada iyo waliba xalaalnimadeeda, waxayna si gaar ah marar badan uga cawdeen qorshaha guddiga doorashooyinka Jubbaland uu ku doonayo in odayaasha ay kusoo xulaan 3 qof oo musharixiin xildhibaan ah, kadibna guddiga uu leeyahay xaqa kama dambeysta ah ee xulitaanka qofka noqonaya xildhibaanka ee ka mid ah seddexdaasi qof ee odayga soo xulay.

Mid ka mid ah musharixiinta , Maxamed Shuuriye ayaa maalinkii jimcihii lagu dilay weerar lagu qaaday hoteel ku yaala magaalada Kismaayo, halkaas oo dad kale oo badan ay kula dhinteen kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen. Waxaa mas’uuliyadda weerarka sheegtay ururka Alshabaab.

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland ayaa maanta bilaabay jadwalkii doorashooyinka, waxaana Kismaayo tabobar labo maalmood ah looga furay odayaasha, kaas oo lagu barayo qaabka xulista xildhibaanada.

Xigasho:BBC-Somali

About Author