Post View....

Qaar ka mid ah Musharixiinta oo sheegay inay kalsoonidii kala laabteen Guddiga doorashada Jubbaland.

0
117

Iyadoo shalay guddiga doorashadadaJubbaland ay soo saareen shuruudo adag oo la hor-dhigay Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaar ka mid ah musharixinta waxaa ay sheegeen inay kalsoonidii kala laabteen Guddiga doorashada.

Qaar ka mid ah musharixiinta oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa waxaa ay sheegeen in hebi ahaanba aysan kalsooni ku qabin Guddiga doorashada Jubbaland,isla markaana ay yihiin kuwo ol ole u wada Madaxweynaha Jubbaland.

Pro Cabdiraxmaan Daqare oo ka mid ah Musharixiinta isbeddel doonka ayaa sheegay inay kalsoonidii kala laabteen Guddiga doorashada Jubbaland,isla markaana hadii doorasho ka dhacdo jubbaland natiijadii kazoo baxda aysan aqbali doonin.

Waxaa uu ku eedeeyay guddiga doorashada Jubbaland inay hareer mareen habraaca doorashada,isla markaan aay waajib aheyd inayt kor joogto ka noqdaan waxa ka socda Kismaayo Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Author