Post View....

Nicki Minaj: Fanaanadda”jirkeeda baneysa” oo Sucuudiga lagu casuumay

0
123

Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee ugu caasnsan adduunka, kuna caan baxday banaynta qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah iyo qaadista heesaha dareenka hammadda dhaliya, ayaa lagu casuumay in ay ka qeybgasho bandhig ka dhacaya magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga 18-ka bishan.

Bandhigan oo ay sidoo kale ka qeybgalayaan dad la mid ah fanaanadan ayaa ah tusaalihii ugu dambeeyay ee muujinaya illaa heerka ay is furfureyso boqortooyadan lagu yaqiinay asturnaanta iyo illaalinta dhaqamada diinta islaamka.

Magaca Nicki Minaj ayaa hadal heyntiisa qabsaday baraha bulshada, iyada oo ay dad badan ku maadsanayeen waxa dhacaya.

Balse kuwa qaarkood ayaa ku tilmaamay arrin aad u xun oo kasoo horjeedda dhaqanka diinta Islaamka.

Fannaanadan ayaa sidoo kale ka mid ah dadka dhiirogaliya galmada isku jinsiga ah, iyada oo dhowaan ka heestay xus ay dadkan lahaayeen.

Arrimahan madadaalada ah waxa ay qeyb ka yihiin isbadelada ‘furfurnaanta’ lagu sheegay ee uu ka yimid dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.

Madaxa golaha murtida iyo madadaalada ee Sucuudiga Turki Al Sheekh ayaa yiri “Alle idimkiis, arrimaha madadaalada waxaa ka mid ahaan doona carwooyinka indho saraxaadka, darjiinooyinka mala awaalka ah, qamaarka, si aan ragga iyo dumarka ugu tabobarno in ay soo bandhigaan hibadooda”.

xigasho: BBC

About Author