Post View....

Faalada siyaasadeed ee daaha gadaashiisa

0
140

Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday qarax diyaaradeed, Heshiiska Xaaf & Fahad iyo Damaca Raysal wasaare khayre ee Galmudug.

Wararka daaha gadaashiisa: madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), oo inta badan aan shaacin jirin safarradiisa dibadda ayaa maanta xaalad amni awgeed kaga baaqday safar uu dalka kaga bixi lahaa.

Madaxweyne Farmaajo oo safarkani uu ugu baqoolayay dalka Rwanda, ayaa ilwareedyo muhiim ah ay xaqiijiyeen in uu kaga baaqsaday arrin amni aawgeed.

Diyaarad gaar ah oo shirkad ganacsi ay leedahay oo la soo ijaaray ayaa madaxweynaha loo soo istaajiyay dhinaca Iskuul Buluusiya ee garoonka diyaaradaha.

Intaas kaddib, waxaa ilwareedyadu ay xaqiijiyeen in markii uu madaxweynaha raacay intii aysan hawada gelin diyaaraddu in ay farriin uga timid AMISOM, taasoo lagu wargalinayo in “BAMBO” ay ku xiran tahay diyaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilligaasi iska furay suunkii diyaaradda isagoo wadihii ku amray inuu joojiyo, waxaana Pilot-kii uu diyaaradda ku joojiyay habka degdegga ah ee diyaaradaha lagu joojiyo.

Dhowaan sirdoonka dalalka Itoobiya iyo Eratariya ayaa madaxweyne Farmaajo u soo gudbinayay in loo diyaarinayo shirqool qarax diyaaradeed ah, taasoo muujinaysa galaangalka Alshabaab.

Wararka Daaha Gadaashiisa: Madaxweynaha Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa gaaray heshiis Isfahan ah, waxaana heshiiskani garwadeen ka ah Fahad Yaasiin.

Fahad baa u ogalaaday Xaaf in la siiyo dhammaan kharashaadkii kaga baxay muddadii labada sano ahayd.

Wararka daaha Gadaashiisa: RW Xasan Cali Kheyre iyo Ahlu Sunna ayaa kulamo maalmo qaatay kaddib ku heshiiyay in doorashada soo socota ee Galmudug ay isla maamulaan.

Raysal wasaaraha ayaa ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna kala wareegay islamarkaana ka codsaday in dowladda lagu biiriyo.

Heshiiskani waxaa ku baxay malaayiin dollar sida Ilwareedyo xaqiijiyeen.

Wararka Daaha Gadaashiisa: Maraykanka ayaa fasaxaya kaalmadii dhaqaale ee uu siin jiray ciidanka dowladda Soomaaliya, kaddib markii uu december sanadkii 2017-kii uu ka jartay markii uu ku eedeeyay in la musuqo lacagtaasi.

Maraykanka ayaa hadda sheegaya in uu kharashkooda bixinayo ciidanka isagu uu tababartay ee DANAB, walina ma uusan fasixin dhaqaalihii kale ee Millateriga oo dowladda looga jartay musuqmaasuqa awgiisa.

Waxaa qoray: Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim), aqoonyahan iyo darse xaalada siyaasadda iyo diblumaasiyadda Geeska afrika.

Helsinki, Finland

[email protected]

About Author