Post View....

Muwaadinin Turkish Ah Oo Lagu Afduubtay Dalka Nigeria

0
118

Ilo-wareedyo codsaday oo sababo dhanka ammaanka u codsaday inaan la magacaabin waxay  Warbaahinta u sheegay inay weli socdaan dadaalka lagu sii daynayo dadkaasi, iyadoo ay Afduubayaasha codsadeen Lacago Madax-furasho ah.

Toddobaadkii hore, 10 Badmaaxiin Turkish ah ayaa laga qafaashay meel ka baxsan Xeebta dalka Nigeria, kadib, markii ay Burcad-baddeed weerareen Markab watay Calanka Turkiga, kaasi oo xilligaas ka soo shircaacday Deked ku taalla dalka Ivory Coast, kuna wajahnaa Deked ku taalla dalka Kamiruun.

Tirada Guud ee Muwaadiniinta Turkishka ee lagu afduubtay gudaha dalka Nigeria ayaa la sheegay inay gaarayso ilaa 14-qof.