Post View....

Mid Ka Mid Ah Ma-Gefayaashii Caanka Ka Ahaa Liibiya Oo La Dilay

0
124

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in la dilay Me-gefahaasi oo magaciisa lagu sheegay Xasan Qatnash, kaasi oo dadka Tahriibayaasha ku qafaalan jirey magaalladda Bani Waliid ee dalkaasi.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu ku biiray Ciiddanka Khaliifa Xaftar markii uu bilowday dagaalka ay ku hayaan magaalladda Tripoli.

Ilo-wareedyada waxay xaqiijiyeen in Xasan Qatnash inuu u geeriyooday dhaawacyo rasaasta oo ka soo gaaray muran dhex maray isaga iyo xubno ka tirsan Guutaadda Tariq Ibnu Zayd oo ka tirsan Ciiddanka u daacadda ah Marshal Khaliifa Xaftar.

Ilo-wareedyo kale ayaa waxay xaqiijiyeen in la dilay Hoggaamiye caan ah oo ka tirsanaa Ciiddanka Khaliifa Xaftar, kaasi oo lagu magacaabi jirey Maxamed Ashtawi, laguan naanaysi jirey Al-kubba”.

Waxaa la sheegay in Xasan Qatnash iyo Maxamed Ashtawi  horey u ahaan jireen Hoggaamiyayaasha Maleeshiyaddii u daacadda ahayd Dowladii Kolonel Qadaafi ee haatan ka barbar dagaalanta Ciiddanka Khaliifa Xaftar.

About Author