Post View....

Maxaad ka taqaan taariikhda Macallin Cali Gabax?!!!

0
117

Macallin Cali Weheliye Garre oo ku magac dheer Macallin Cali Gabax, waa qowsaar diin oo 94 jir ah. Waxa uu ku dhashay baadiyaha degmada Ceel dheer (G/Galguduud) sanadkii 1925kii. Waxa uu dugsigii ugu horreyay qabtay 1943kii isagoo 18 jir ah.

Macallinku ilaa maanta waxa uu hayaa dugsi quraan oo laga aflaxo. Carruur aan qaangaarin ayuu quraan u dhigaa . Waa jallaad dhowr cibaado badan oo af gaaban, hadalkiisana naxariis ka buuxdo. Wuxuu igu yiri ” maalintii aan dugsi qabtay ilaa maanta jallaadka ma baajin”

Isagoo da’daas ah ayuu subaca toosiyaa. Isaga iyo quraanku waa isku milmeen, mar kastana afka ayuu ku hayaa , gacantana waa ku sitaa.

Xurmada uu u hayo macallinkii isaga quraanka baray oo la dhihi jiray Macallin Cilmi Soojeed oo Sheekhaal Looboge ahaay waa mid weyn, waxaad is leedahay marka magaca macallinkiisa la soo qaado wali waa arday , duco ayaana kasoo burqaneysa oo ay ku laran tahay xusuus aad u fog.

Sida uu macallinkiisa u curmeynaayo waxey gaarsiisay in markii uu arko qof ay macallinkiisi isku reer yihiin , inuu usoo dhaweeyo sidii waalidkiis ama qaraabadiisa oo kale.

In kastoo uu da’ yahay, haddana macallin Cali Gabax lixaadkiisu waa taam, howshiisana isaga ayaa qabsada, araggiisu isma dhimin oo looxa wuu sixi karaa. Dadka yaqaanna waxay i dheheen Quraanka uu khidmeeyay ayaa sabab u ah arrintaas.

Dadka uu macallin Cali quraanka u dhigaayay muddadaas 75 ta sano ah caddadkooda lama yaqaanno, dugsiyo farabadanna waa ka farcameen oo hadda waxa uu gaaray Abuullan xagga macallinnimada Quraanka.

Waxaan weydiiyay waxa uu rajeynaayo inta noloshiisa ka dhiman. Waxa uu yiri waxaan rajeynayaa in ilaahey khaatumda ii suubbiyo, maalinta teydu gashana anigoo quraanka afka ku haaya oo weeso qaba ilaahey igu aaddiyo.

WD:Cali Xalane

About Author