Post View....

Maxaa ka jira eedeymaha ah in Ra’isulwasaare Khayre uu matalo khudbadaha madaxda adduunka?

0
124

Hadal jeedinta waa mid ka mid ah xirfadaha ugu waaweyn ee madaxda u horseedi kara in ay kasbadaan kalsoonida shacabka, islamarkaasna uga dhaadhiciyaan hadba waxa ay doonayaan, oo ay ka mid tahay in la doorto.

Waa xirfad jaamacadaha iyo mac-hadyada lagu barto, buugaag badane laga qorey, sidaasi darteedna la yaab ma leh in madax badan oo waqtigan casriga ah jooga ay ku wanaagsanyihiin jeedinta khudbadaha marka ay taaganyihiin fagaarayaasha ay dadka badan isugu yimaadaan.

Balse Soomaaliya waxaa dhowaan hadal heyn dhalisay khudbad uu jeediyay Ra’isulwasaaraha, taas oo la sheegay in uu ka soo minguuriyay khudbado ay horey u jeediyeen madaxda adduunka.

Waxaa tusaale loosoo qaatay in uu minguuriyay hadalo ay jeediyeen madaxweynayaashii hore ee John F. Kennedy iyo madax kale.

Waxaa aad baraha bulshada loogu faafiyay muuqaal isbarbardhig ku samaynaya hadalkii caan baxay ee Kennedy uu jeediyay ee ahaa “Ha is weeydiin waxa ay dowladda Maraykanka kuu qaban karto, ee isweeydii waxa aad u qaban karto dowladda Maraykanka”.

Kheyre ayaa xigashadan ka sheegay socdaal uu ku marayo gobolada dhexe.

“Markaan fiiriyay, hadalkiisana gudaha usii galay ma ahan wax isaga kasoo maaxday, waxaanan fahmay in hadalkiisa uu yahay minguuris” ayuu yiri Cabdisitaar Xasan Cali, oo aqoon u leh arrimaha baraha bulshada.

Hadalka oo kaliya ma ahan waxyaabaha uu matalo Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre, sida uu qabo Falanqeeye Cabdisataar, xitaa hab dhaqanka uu kusoo bandhigo fagaarayaasha ayuu sheegay in ay yihiin kuwa matalaad ah “Ficilka uu sameeyo Kheyre xitaa haddii aad u fiirsatid waa kuwii madaxweyne Barack Obama, tusaale orordka iyo rucleynta”.

Khudbadaha iyo ficilada gaarka ah ee ay sameeyaan hoggaamiyeyaasha adduunka sida labiska waxa ay galaan diiwaanka dhacdooyinka adduunka, balse Cabdisataar waxa uu is weydiinayaa inay jiraan waxyaabo gaar u ah Kheyre oo galaya doowaankaas.

“Diiwaanka waxaa u galaya in uu Xassan Cali Kheyre yahay oo uu noqday Ra;isulwasaaraha Soomaaliya, balse diiwaanka uma galayaan wax madax kale oo adduunka ay lahaayeen oo uu soo minguurayey, waxaadna garan kartaa in hadhoow lagu mashquuli doono cidda asal ahaan tiri hadalka uu isaga jeedinayay ee aan isaga la xusuusan doonin, kaliya waxaa loo isticmaali doonaa tixraac” ayuu intaas raaciyay.

Dadka minguuriyay khudbadaha dadka kale
Sannadkii 2016-kii, xaaska madaxweynaha Maraykanka Malenia Trump ayaa si weyn loogu fadeexeeyay kadib markii ay si toos ah usoo minguurisay khudbad ay jeedisay Michele Obama oo ah xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama.

Tan ayaa waxa ay keentay in shaqadii laga eryo qofkii khudbadda u qoray.

Sidoo kale , sida aad muuqaalka ka dheehan kartaan, waxaa jiray dadyow kale oo minguuriyay khudbado ay lahaayeen madax iyaga ka horeysay.

Barack Obama iyo ku xigeenkiisi Joe Biden ayaa labaduba ka mid ah dadka hadaladooda la minguuriyay.

Hase yeeshee waxaa iska caadi ah in erayo ama xikmado laga soo xigto madaxda iyo dadka kale ee caanka ah, balse ay qasab tahay in iyaga loo tiiriyo.

Ma yara dhacdooyinka Ra’isulwasaare Kheyre ku saabsan ee lala barbar dhigay kuwa madaxda kale ee adduunka, waxaa xitaa jiray sawir aad u faafay oo muujinayay habka loo sugo amniga Ra’isulwasaaraha oo lala barbardhigay kan hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isulwasaare Kheyre ayaa noqday shaqsiga loogu mutaabacayn badanyahay madaxda Soomaalida, iyada oo aad loogu fiirsado, lagana falceliyo waxyaabaha uu fagaarayaasha kusoo bandhigo haddii ay ahaan lahayd qaabka uu hadalada u jeediyo, labiskiisa, iyo ficiladiisa kale.

-BBC SOMALI

About Author