Post View....

Madaxweyne Xaaf oo go’aano adag ka soo saaray dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug (Akhriso)

0
120

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa markii ugu horeysay soo saaray qoraal ka kooban dhowr qodob oo ku saabsan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka maamulkiisa xilli ay taagan tahay cabasho ka imaaneysa shacabka ku dhaqan magaalada Cadaado oo iyagu sheegay in degaanadooda laga hiillinayo.

Madaxweyne ayaa sheegay in go’aanka cusub ee uu ka qaatay arrimaha Galmudug ku sheegay iney tahay mid uu uga gol leeyahay daadajinta baahida loo qabo xiligan iney si xowli ah ku socdaan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Dhuusa-Mareeb ka wada qabsoomaya, taasi oo u muuqata inuu uga jawaabayo tabashooyinka dadka degan magaalada Cadaado.

Qoraalka uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug ayuu u cuskaday qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Galmudug, ayuu ku shaaciyay in Hay’adaha Galmudug aaney saameyneynin shaqooyinkooda, ayna tahay iney sii dar dar geliyaan inta laga soo dooranayo dowlad goboleed cusub.

About Author