Post View....

Mareykanka oo dib u bilaabaya taageeradii uu siin jiray qeyb kamid ah ciidamada Xoogga Dalka

0
119

War ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa looga hadlay taageeradii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,taasi oo la hakiyay bishii December 2017. Dib u bilaabidda taageeradii dowladda Mareykanku ay siin jirtay qeybo ka mid ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxay muujinaysaa sida ay mira dhal u noqotay dib u habeyntii ciidamada lagu sameeyay iyo diiwaan gelintii lagu xaqiijiyay tirada iyo tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Xukuumadda Washington ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay ku bixisay dib u habeyntii ay ku sameysay ciidamada,kadib markii dowladda Soomaaliya ay sameysay diwaangelin ku aadn xaqiijinta ciidankaasi tirakoobkooda. Sidoo kale Mareykanka ayaa muujiyay sida loogu guuleystay isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda ee dalka,taasi oo abuurtay in lagu kalsoonaan karo nidaamka ay dowladda Soomaaliya u dejisay sida loo maamulo dhaqaalaha ciidamada. Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaana kaalintan Mareykanku uu qaadanayo ay dhiirogelinaysaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dib u dhiska ciidamada.

About Author