Post View....

Dowladda oo ku baaqday in la joojiyo colaada ka taagan deegaanno hoostaga degmada Matabaan

0
107

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay in ay aan la aqbali karin colaada ka taagay qeybo ka mid ah deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee u dhaxeysa maleeshiyaad ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud. Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali kheyre oo maanta khudbad ka jeedinayay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin dhiig danbe oo sida uu hadalka u dhigay ku daadda deegaannadas, isaga oo ka dalbaday waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaada. ”Looma dulqaadan karo dhiig danbe oo ku daadda deegaannadan, waxaa ka dalbanayaa maamulka iyo odayaasha labada dhinac in arintaa sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha oo meel fagaaro ah kula hadlay dadweynaha reer Guri-ceel. Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanno hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen dad ka badan 50 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay.