Post View....

Maqaal: Muqdisho oo dhirbaaxo kulu la diray Guinea, Who is next?

0
114

Calanka Aduunyada uugu qiimaha iyo qaayaha badan mana jiro caalamka calan kasareeya tanaan ku noolaan kuna dhiman. kamana mid ahi kuwa aduun iyo aakhiraba hoogay ee iibsada calankooda.
Dadka Soomaaliyeed maha dad hada la baranaayo,waa dad soo jiray kumaan sanadood oo daganaa geeska afrikada bari. Waxaa  lagu yaqiinay Geesinimada,deeqsinimada,marti soorka, gabayada, nadaafada, go aan qaadashada,wada tashiga, is tixgalinta, wada noolaanshaha,oogida dugsiyada quraanka, difaaca diinta, difaaca dalka, difaaca dadka, ilaalinta dhaqanka, ku kalsoonaanta dhaqankooda iyo diintooda, u turida biri magaydada oo ah waayeelka rag iyo dumar, haweenka caruurta xaalad kasta oo lagu jiro, nabad galinta nin ka geesiga ah xataa hadii lagu qabto dagaal, dhawaynta iyo dhawrida maxaabiista,.
Soomaalidu waxay iska diideen damicii gumaysi ee uu afrika ku yimid isticmaarkii cadaa ee reer yurub. Soomaalidu way difaacdeen dalkooda. Marabo in aan sii gudo galo taariikhdaa filka weeyn oo aadka u dheer ee soomaaliya lagu yiqiin waayo hore.
Dalkeena waxaa ka dhacay burbur aynu eediisa leenahay inaga soomaalida ah haba jiro cadaw inaga faa iidaysanaayay oo dab kusii shidaayay dhibkeena. sidaa daraadeed waxaynu ilawnay dhibaatadii gumaysi ee dalkeenu soomaaray iyo sidii dalkeena loo kala qaybsaday inagoo ah dadkii dalka iska lahaa. waxaa laynoo kala qaybinaayay in layareeyo awoodeena qaran,si aynaan u noqon dawlad islaam ah oo xoogleh oo ka jirta geeska afrika kana ah hormuud.
Waxaa laynoo kala qaybiyay shan qaybood,si dalkeena khayraadkiisa loo qaato oo aynu u ahaano dad aan lahayn tabar iyo cudud midaysan. waxaan ilawnay difaacii awoow yaalkeen u galeen in soomaaliya lagumaysto lana kala qaybiyo taasoo ay ku nafwaayeen malaayiin soomaaliyeed iyo boqolaal geesiyaal hogaamiyayaal ah. markaynu helay xoriyada waynu is dhiganay! waan ka xumahay in aan ilawnay cadaw qarameedkeenii necbaa soomaali mid ah oo wada jirta oo dawlad ah.
Hadaynu si fiican u darsi lahayn una fahmi lahayn xanuunkii awoowyaasheen la soomariyay, iyagoo aan haysan hub iyo qalab laakiin haystay tooreey waran iyo gaashaan balse hayay niyad iyo geesinimo ayaa inta hub loolayimid lagu gumaaday. waxay awoow yaasheen qaateen in ay dhintaan intii dhulkooda la qaadan lahaa iyagoo nool sidii bayna u dhinteen.
Cadawgii baa jira oo wali inagu maqan oo kaxumaa xoriyadii aynu qaadanay 1960. Hadaynu fahan sanaan lahayn si qodo dheer maynaan iska dumineen dawladeenii diifaacaysay qaranimadeena iyo jiritaankeena, maxaayeelay cadawgaagu ma ogola in aad jirto adoo ah soomaali oo dawlad leh iyo qaran buuxa. waan ka xumahay in aan had iyo jeer arki wayno cadawgeena shisheeye ee diidan sinjigeena diinteena iyo jiritaankeena soomaaliyeed.
Hayeeshee,burburkii dalkeena ka dhacay isuma sheegayno waxa ka dhashay oo khasaare ah dawlad la aantii inagu dhacday ee aan inagu isu gaysanay. dhib kastoon soomaray maanta waan soo kabanay, waa soo toosnay,waxaan gacanbir ah ku qabanay cadawgii shisheeye inagu soo maalgaliyay ee dadkeena gawracaayay, waa ka adkaanay shabaab,waa ka adkaanay shabaab kalkaal dawlad diid ah, waa ka adkaanay qabiiliste, waa ka adkaanay tuugo iyo musuqmaasuq waxbadan,waa ka adkaanay shaydaan u shaqeeye shisheeye oo fikirkii isticmaarka dhaxlay oo fulinaaya mabaadiidii kala qabinta soomaaliya, waa ka adkaanay sharwade fadaraalkii ka dhigay qabiilooyin calan samaystay oo dawlado yar yar ah.
Dadka soomaaliyeed waxay fahmeen in aan cidina waxba kaligeed ku noqon karayn reer iyo gobol iyo jifo.waxa wax lagu noqon karaa ee dadkeena danta u ah inawada deeqaa waa qaranimo iyo soomaalinimo iyadaana inagu filan. hadaad aragto cid wax kabadalan raadinaysa waa cadaw iyo kasyare iyo mid u adeegaaya shisheeye oo lagu burburinaayo soomaaliya.
Dadaka soomaaliyeed way fahmeen in ay leeyihiin cadaw doonaaaya in aysan noqon dawlad waligidoodba. waxay dhisteen oo nabdeeyeen dadka soomaaliyeed oo dawladoodu horsocoto caasimadii dalkeena MOGDISHO oo la soonoqotay haybadii dawladnimo,qofkastoo soomaaliyeed ayayna u tahay sharaf karaamo iyo dadnimo waana ku faanaynaa caasimadeena MOGDISHO. soomaaliya waxaa laga xukumaa Mogdisho cid diidikartaana majirto,soomaali ayaana wada leh cid diidi kartaa majirto qaranbaynu nahay jira oo ah soomaali.
Maanta dawlad ayaynu haysanaa inoo adeegaysa oo ay hogaaminayaan rag wadaniyiin ah oo dadaalaya. waxaana ka ogo an in dalkeenu helo nidaam iyo kala danbayn buuxda. shacabka soomaaliyeedna waa garab taagan yahay marka laga reebo tuugo yaroo isticmaarsi u adeega oo sharcigu qaban doono kol dhaw. Waxaa farxad weyn ah in maanta MOGDISHO dawlad walbaa ka haybaysanayso kadib markay dhirbaaxo la riday mid war moog ka ah arimaha soomaaliya oo ku soo khaldamay ama is yiri MOGDISHO waajabtay ee maanta waa mari kartaa ileen wixii ka horeeyay 1991dii nina mahawaysan jirin MOGDISHO ee,dalkaas oo ah jamhuuriyada Gini ee afrikada galbeed,.
Hadaba ufiirso sheeko yaroo dhexmartay MOGDISHO, GINI iyo Dawladaha Aduunka
GINI oo dhirbaaxadii MOGDISHO ku dhufatay la gagabaysa,ayaa waxaa arkay aduunkii,waxaa layiri ” yaa sidatan kuu galay waa aragnaa in aad diifaysan tahay ee?” Gini ceebteedii ileen waa dilantahay ee waa qarsan waysay oo waxay tiri “Waxaa sidatan ii galay MOGDISHO.” Dawladaha Aduunka oo yaaban ayaa waydiiyay MOGDISHO wuxuu yiri “waxaan aragnay GINI oo rafaadsan aadna u walbahaarsan dhirbaaxo xuna ay ka muuqato wajigeeda,hadaan warsanay waxay noo sheegtay in MOGDISHO dhirbaaxday hadaba maxaa kajira arinkaa?”
MOGDISHO oo maxaad u malayn la soonoqotay xaniin yaheedii!!! qosol bay ku jawaabtay kkkk….kkkk…. haday qosol dhamaysatay waxay tiri “Hadaad tihiin dawladihii aduunka bal kawarama hadii adoo guri wayn oo fila ah dagan oo ganjeelku kuu xiran yahay, saq dhexe oo lawada seexday, hadaad aragto uun nin gurigaaga darbigiisa kasoo booday oo ku dhex jira hadana aan ahayn dagaanka balse ay la socdaan labo ciyaal xafada ah oo uu qaad u qaaday !!,oo maryo xariga kuugu waraa aruursaday ood qabatay?”
Dawladihii Aduunkii ayaa markooda qosolku dhuftay kkkkk…. kkkkk…kkk  iyagoo fahmay sheekada iyo wixii ay bilawgii hore MOGDISHO ku qoslaysay. GINI ayaa loo tagoo lagu yiri “Tuug laqabtay talo malaha! maxaad ugu dhacday MOGDISHO bawdkeeda?” intaan haday kugu dhaafeen waaba kuu hiiliyeen ee ku dhawaaq raali galin oo sii MOGDISHO. Gini waa aqbashay waana bixiyeen reeligalintii, MOGDISHANA waa ka gudoontay ileen waa gob iyo xaalkeede.
MOGDISHO oo kaftamaysaa tiri GINI sidee wax kaa noqdeen? anaga waa dhici kartaa bariga afrika in nalooga soo boodo,laakiin adiga damac aa ku dilaaya galbeedka afrika xataa geeleena maba wadadaaqo ee hadaad qaraabanaysid waxaa kuu roon galbeedkaaga!! waa haday fayoobaan jirto walaasheey. Gini waxay tiri walaalkeey MOGDISHO aduunkii aa igu soo yaraaday waa ceeboobay bustaha isaara!!
Kenya oo xaga tuuganimada khabiir isaga dhigaysa GINI ayaa tiri “waxaad timid xili qaldan, waxaadna tagtay goob qaldan, waxaadna qaabishay qof qaldan!” Kenya oo sii wadata hadalka ayaa tiri hadii damac kaaga jiro macaadanta iyo dahabka buuraha sanaag ee soomaaliya,in aad xado ha moogaan haday xil helaan sadex akhyaar oo qaali ah xasan sheikh madaxweyene hore ahaa,xalwayste raysal wasaare hore ahaa,iyo midka daba socda cabdiraxmaan cabdi shakuur wasiir hore,ragaan wax kastoo aad uga baahato dalkooda soomaaliya kuma dhibayaan horay kaaga sixiixayaan markaad tusto doolarka.”
Laakiin Gini adiga waxaad aaday xili wadani MOGDISHO istaagtay, oo kuwii hore ee aan ceelasha shiidaalka bada ka marsadey ee ay ii sixiixeen dib layga soo ceshaday oo lay fahmay,maadaama hada soomaaliya wadini u kacay oo ay dalkooda illaashanayaan iyagoo isku duuban.
Gini inta yaabtay ayay suaal waydiisay Kenya oo tiri” Hadaad tihiin dawlada kenya,ma shacabka dalkiinaad maamulaysaan mise waxaad waqtigiinii galiseen oo shaqo idiin ah  kala barashada iyo kala shaan dhaynta madaxda soomaaliyeed!?”
Waa sheeko xiiso leh laakiin cashar u noqotay aduunka. MOGDISHO majirto dawlad isku taagi kartaa sidii hore maanta maha. soomaali waa dawlad xor ah gob ah oo katalinaysa aayaha dadkeeda iyo dalkeeda Soomaaliya. Waxaase is waydiin leh waa kuwee dawladaha faraha kula jira dalkeena soomaaliyeed oo xigi doona Guinea?
Waxaan ku faanayaa sadex 1. In aan ahay Islaam,2.In aan ahay Soomaali,3.In aan leeyahay Calankaa cirka u midabka eg ee leh xidig cad oo dhexda kaga taal ee leh shanta gees oo macno ii sheegaysa gaar ah maha xidig uun waa ka weyntahay.
Yusuf Omar

About Author