Post View....

Madaxweyne Museveni “Madaxweynaha Soomaaliya waxaan u sheegay inuusan yeelan karin dowlad shaqeyneysa haddii..”

0
111

Kampala:- Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa goob fagaare ah ka sheegay hadal gaar ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Yuweri Museveni ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu u sheegay in dalkiisa uu la bur bursan yahay sharci la’aanta.

“Madaxweynaha Soomaaliya waxaan u sheegay inuusan yeelan karin dowlad shaqeyneysa haddii xeerarka dalka aysan diyaarsanayn”, ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo ka hadlayay kulan isaga iyo Farmaajo si gaar ah u dhexmaray wixii ay uga wadahadleen.

Museveni wuxuu sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay inuu marka hore dhiso sharciyada dalka kaddibna ay muwaaddiniinta billaabaan bixinta Canshuurta iyada oo la dhaqan gelinayo xeerarka dalka, markaas kaddibna ay iman karto dowlad shaqeysa oo bixisa mushaarka ciidanka.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa hadalkan xalay ka sheegay kulan uu aqalka Madaxtooyada Uganda kula qaatay 19 Jeneraal oo ka mid ahaa Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya kuwaas oo uu uga warbixinayay talada uu siiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa Saraakiisha uu la kulmay ee howlgabka noqday ka mid ah Joram Mugume, waxaana uu ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay ka qabteen Soomaaliya.

Dhanka kale Museveni ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu yareeyo mushaarka Ciidamada laakiin uu adkeeyo xeerarka dalka, ciidan xoog lehna dhisto, sida uu hadalka u dhigay.

About Author