Post View....

Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasadda Gobalka Banaadir mr Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) Oo xabsi guri la geliyey

0
131

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xabsi guri la geliyay Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasadda Gobalka Banaadir mr Maxamed Cabdullaahi (Tuulax).

Guddoomiyaha ayaa looxiray arrimo la xiriira Qarixii dhowaan kadhacay Gobalka Bamaadir.

Dhanka kale waxaa weli bannaanka jooga oo howlihiisa shaqo caadi u wata guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banadir, Mr Ibraahim Dheere.

Labada ku xigeen ayaa lasheegay iney goobta ka maqnaayeen Xilligii qaruxu dhacayay, taas ayaana keentay in looga shakiyo ku luglahaanasha arrintaas maaddaama ay awood u leeyihiin iney Xaruunta Gobalka galaan iyadoo aan labaarin Gaadiidka ay wataan.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta Ku-xigeennada Mid loo xiray midna Xor u yahay balse wey soo bixi doonaan wixi arrintaas kaliifay….

xigasho: Abdirizak Maxamed

About Author