Post View....

Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika

0
106

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ka helay martiqaad rasmi ah oo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka Ruushk iyo dalalka Afrika oo 24-ka bisha Oktoobar ka dhici doona magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Casuumaadda madaxweynaha waxaa soo gaarsiiyay danjiraha cusub ee Moosko dhawaan usoo magacawday Muqdisho Mikhail Golovanov.

Shir madaxeedka u dhexeeya dalka Ruushka iyo dalalka Afrika ayuu hoggaamin doonaa madaxweynaha Ruushka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha Afrika oo ugu horreeyo madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisis oo haatan ah guddoomiya meertada ah ee Midowga Afrika.

Sida lagu xusay warsaxaafadeed kasoo baxay aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in shirkani yahay midkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee si gaar ah u taabanaya xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Afrika sidoo kalena ay qeyb ka ahaanayaan madaxda hay’adaha heer gobol ee ka jira qaaradda Afrika.

Shirka waxaa lagu falanqeyn doonaa hanka dowladda Ruushka ay u heyso xariir qoto dheer oo ay la yeelato Afrika iyo billowga bog cusub oo lagu adkeynayo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan ee labada dhinac.

Ugu dambeyn shirka ayaa la qorsheeyay in laga soo saaro baaq siyaasadeed oo mideysan oo ku wajahan iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

About Author