Post View....

Ma kufsi baa, haddii qof dumar ah ay nin xoogto?

0
135

Digniin: Waxaa suuragal ah in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan warbixintan:

Marka nin uu xoogo qof dumar ah isagoon fasax ka haysan waa kufsi. Balse ka warran marka qof dumar ah ay xoogto nin? dalal badan sida Britain, sharci ahaan taas kufsi ma aha, balse cilmi baaris cusub ayaa ku talineyso in sharciga lagu qoro in labada dhacdo ay isku mid yihiin.

Dr Siobhan Weare oo ka tirsan kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Lancaster ayaa soo bandhigtay cilmi-baaris ku saabsan Galmada qasabka ah, waxayna wareysatay in ka badan 200 oo qof oo rag ah.

Wixii ka soo baxay baaritaankeeda ayaa la baahiyay isbuucan. Waxaa inta badan lagu saleeyay wareysiyo ay qof-qof uga qqaday 30 nin, muddadii u dhexeysay May 2018 illaa July 2019.

Waxay daaha ka rogtay faafaahin dhameystiran oo la xiriirta in qasbidda ay dhacdo, ayna saameyn yeelato iyo sida nidaamka cadaaladda uu uga jawaabo.

Waa la qariyay magacyada dhammaan dadka qeybta ka ahaa baaritaankan, Balse mid ka mid ah waxaan magaciisa lagu badalay John.

John wuxuu sheegay inuu markii ugu horeysay dareemay in dhibaato nafeed ay u geysatay xaaskiisa. Ka dib markii uu ku arkay dhowr dhacdo oo la yaab leh, wuxuu geeyay cisbitaal. Dhowr saacadood ka dib, waxaa loo sheegay in dhibaato maskaxda ah ay jiri karto.

Lix bilood ka dib, nafteeda dhibaato umaysan geysan Balse waxay dagaal ku bilowday John.

“Fadhiga ayaan joogay; Jikada ayey ka soo baxday feer ayayna iiga dhufatay sanka wayna qososhay,” ayuu yiri John. “Dhibaatada joogto ayey noqotay”.

Waxay dawo ka soo qaadan jirtay cisbitaalka, ayuu yiri John. La talin ayaa loo sameeyay, waxaana loo diray dhaqtar cilmu-nafsi, balse ma aysan tagin xilligii ballanta dhaqtarka.

Markay guriga ku soo noqoto oo shaqada ay ka timaado “way i xoogi jirtay markasta”, ayuu yiri.

“Waxay gaartay xaalad xun, ilaa aan arkay anigoo ka baqaya, marka ay shaqada ka timaado.”

Xilli waxaa jirtay, markii uu John subixii soo toosay uu arkay isagoo ku xiran sariirta. Ka dib waxay bilowday in madaxa ay uga garaacdo sameecad weyn oo sariirtiisa dhankeeda tiilay. Waxay maryo ku xirtay lugihiisa, wxayna ku qasabtay inuu u galmoodo.

Maadaama uu baqayay, uuna dareemayay xunnuun, John wuu awoodi waayay taa. Ka dib garaaciddii ayey ku sii waday, waxayna 30 daqiiqo ka tagtay isagoo sariirta ku xiran. Markey soo noqotay ayey sariirta ka furtay. Muddo ka dib, way diiday in ay ka hadasho wixii dhacay.

In badanba kama soo wareeg; waxay qaaday uur, wayna yareysay rabshada. Balse markii ay dhashay ka dib, John wuxuu habeennimo is arkay isagoo sariirta ku xiran markale.

Wuxuu yiri “waxay igu qasabtay inaan liqo kaniinka dareenka kiciya”.

“Wax kale oo aan sameyn karay majiro,” ayuu sheegay.

“Ka dib waxaan aaday musqusha, waxaana iska hoos fariistay shaawarka… xoogaa ka dib, waxaan aaday hoos. Waxa ugu horreeyay ee ay igu tiri wuxuu ahaa, ‘maxaa lagu casheynayaa?’”

Markii John uu damcay inuu dadka kale uga sheekeeyo, wuxuu la kulmay aaminad la’aan, sida uu sheegay.

“Waxay dadka iweydiiyeen sababta aanan guriga uga bixin. Haddab, wuxuu ahaa gurigii aan caruurteyda u iibin lahaa. Dhanka dhaqaalahana, waxaan u xirxirnaa xiriirkaas,” ayuu yiri.

“Weli waan aamini la’ahay, waxayna la mid ahayd, “Maxaad isaga celin weyday?’ marar badan ayaa la iweydiiyay. Marka, taas wey fududahay in la iska dhoho, balse way adag tahay in la sameeyo.

“Waxaa fiicnaan lahayd inaan xilli hore ka cararo meesha.”

Waxyaabaha uu sheegay John, waxaa sidoo kale la kulmay ragga kale ee la wareystay, sida ay sheegtay Dr Weare. Mid ka mid ah arrimaha la ogaaday waxaa ka mid ah xadgudubka iyo galmada qasabka.

Balse waxay si guud diiradda u saartay rag iyo dumar. Arrintaas waxaa aasaas u ah hal qodob oo baahsan, waana xudgudubka guryaha ka dhaco ee dadka bannaanka aysan ogeyn.

Dhibaatooyiinka ah in dadka kale aysan aamineyn in nin ay xaaskiisa garaacdo kuna xadgudubto, waxaa sidoo kale ka sheekeeyay dadkii lagu wareystay cilmi-baarista.

“Waad ku raaxeysaneysay, haddii kale waxay ahayd in aad booliska ku wargeliso si degdeg ah,” nin ayaa sheegay in hadalkaas uu kala kulmay booliska.

Nin kale ayaa yiri: “Waan ka baqeynaa inaan ka hadalno, waana ceeb. Markaan ka hadalno nalama rumeysanayo, sababtoo ah, rag beynu nahay!. Sidee nin rag ah loogu xadgudbi karaa? Eeg waa nin.”

 

Waxyaabaha kale ee la ogaaday waxaa ka mid ah:

  • Ragga markasta waalagu ceebeystaa inay ka hadlaan in la kufsaday – Waa suuragal inay ka hadlaan xadgudubka kale, iyagoon soo hadal qaadin kufsi.
  • Saameynta maskaxeed aad bay u xumaan kartaa, sida walbahaar iyo inuu qofka ka fakaro inuu isdilo ama ka cararka raaxada nolosha.
  • Ragga qaar waxay ka sheekeeyeen in si joogto ah dhib loogu geystay – Qaar kood iyagoo ilma ah ayaa la kufsaday, qaarna waxay xadgudub kala kulmeen dad kaladuwan oo rag ay ka mid yihiin
  • Qaar kood waxaa ka guuxaya fikradda xun ee ay ka aaminsan yihiin booliska, Hannaanka cadaaladda iyo sharciga.

 

Hal arrin oo “khuraafaad” ah oo baaritaanka Weare lagu beeniyay waxaa ka mid ah in qof rag ah la kufsado in ay tahay arrin aan dhici karin, sababtoo ah ragga way ka xoog badan yihiin dumarka. Khuraafaadka kale wuxuu yahay in “ragga ay wax wanaagsan u arkaan fursad kastoo qof dumar ah ay ugu tagi karaan.

“Dareenka ragga wuu kici karaa xitaa haddii ay baqayaan, xanaaqsan yihiin ama xanuun ay dareemayaan,” ayey tiri.

“Waxaa kaloo jirto cilm-baaris muujineysa in dumarka xitaa ay wax dareemayaan marka la kufsanayo, sababtoo ah jirkooda ayaa jawaab bixinaya. Tani waa xaaladda rag iyo dumarba ee aan si wanaagsan looga hadlin, balse cadeyn muuqata loo hayo.”

Weare waxay sheegtay, inta badan dadka ka qeybgalay cilmi-baarista ugu dambeysay in qasabka ragga ay u arkaan “kufsi”, qaarna waxay ka walaacsan yihiin in arrintan aysan ku qorneyn shuruucda dalal badan, sida UK.

Sidoo kale wuxuu walwal ka jiraan in dad badan aysan arrintan u garankarin in ay “kufsi tahay”.

Mid ka mid ah siddeeda talo ee la soo jeediyay waxay tahay in isbedel lagu sameeyo sharciga Kufsiga iyo qasabka iyo in arrintaas “si dhab ah loo qaato”.

Xigasho: BBC Somali

About Author