Post View....

Ballaantii Md. Saciid Deni ( Punt land) =Faallo=

0
142

Mahadcelin iyo Aragti Aqooneed kadib, ayaan Ku iri: Haddii shirkaan la igu casuumay Garowe uu ahaan lahaa mid Siyaasadeed maba Ka Soo qeyb galeen, laakin hadda waa mid Jaamacadeed oo lagu Soo bandhigayo Buugaag.

Waxaa la yiri: waxaan nahay Hooyadii Federalka, laakin kuwa kale ayaa yiri: Aabihiina waa nahay.
Waxaan Ku iri: Hooyadii Ku ekeeya ficil ahaan waa dhab in aad ugu horeyseen oo aad tihiin Hooyadii, laakin Aabihii Ka reeba Feker ahaan Nin ayaa 1960 kii dhihi jiray ” federal fadaanee”.

In kasta oo aan Qolka shirarka kula hadlayay Dad dhan 800-900 Qof, waxaa goob joog Ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Punt land, Md. Saciid Cabdullahi Deni oo Shirka furayay.

Waxaan Ku iri: Waxaan Kaa Codsanayaa Md. Deni. Haddii aad tahay Madaxii Hooyada. Hooyo waxaa lagu yaqaan Caruurta in ey nuujiso oo ey u adkeysato qaniinyada Caruurta aan ilkaha leheeyn.

Beryahaan qaniinyo ayaa jirto, u adkeeyso Caruurta haka xanaaqin, ileeyn adaa yiri: Waalidkii Federalka ayaan ahay. Caruurta haddii aad garaacdo oo ey noqdaan caasi weynaaday. Halkaan waxaan maqlay waxaa Ku yaal Buuro laga tuuro Islaamaha Duqoobo, yeeynan waalidkood Ku xad gudbin.

Tan Labaad, Caruurta Gobalka Naaska si fiican u nuuji oo shaqo ha loo abuuro, yeeynan nafaqa la’aan u dhiman.

Kadib, MD. Saciid Deni oo la hadlayay, Dadkii ayaa yiri: waan fulinayaa, wixii uu iga codsaday, Yaxya Sh. Caamir, Caruurtu haddii ey i qaniinaan waan u dulqaadanayaa, Edebtoodana waan hagaajinayaa, kuwa ila joogana Gaajo Ku dili maayo, ee Adiga Yaxya ahna wixii aad Ku aragto Punt land soo qor.

Anna waan Ballan qaaday, waana Soo qorayaa, haddii ALLA idmo.

FG: Ma ihi Siyaasi, laakin Shirka waxaa nagala qeyb galay Siyaasiyiin. Wixii aan Ka khalday qoraalka iga sax, Aragtidaada Xur ayaad u tahay, igana sug wixii aan Ku Soo arkay Punt land dhinacyada dhaqaalaha iyo , Arrimaha bulshada.

Qore: Yahya Amir

About Author