Post View....

Khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Guurtida iyo kan wakiilada Somaliland oo faraha ka sii baxaya (Dhageyso)

0
137

Golaha guurtida iyo golaha kale ee wakiilada Somaliland ayaa meel xun gaadhay khilaaf maalmahaanba u dhaxeeyay, iyagoona dacwad arrintaasi ka dhan ah u gudbiyay maxkamadda Sare.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay ku doodayaan golaha guurtida waxaa ka mid ahaa saddex xeer oo uu saxiixay Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo ay sheegeen in si sharci darro ah loo gudbiyay.

Xeerka Hanti dhowrka, xeerka hab-maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne K/Xigeenka iyo xeerka xawaaladaha ayay sheegeen in dacwadoodu hor taalo maxkamadda sare.

Khilaafka soo kala dhex galay labada aqal ee Somaliland Guurtida iyo Golaha Wakiilada ayaa ku soo beegmaya xilli uu weli muran ka taagan yahay doorashooyinka madaxtinimada, cabashooyinka beelaha degan gobolada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland iyo kala aragti duwanaansho u dhaxeysa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi iyo saddexda xisbi ee mucaaradka ah.


About Author