Post View....

Gabar Soomaaliyeed oo ka yaabsatay rakaab diyaarad Muqdisho ka kacday (Daawo)

0
139

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yasmin Cabdi Faarax ayaa ka yaabsatay rakaab diyaarad ka duuleysay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ahayd nooca yaryar ayaa ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee gobolka J/hoose, hase yeeshee rakaabka diyaaradda oo rag u badnaa ayaa mar kaliya ku baraarugay in kabta diyaaradda ay tahay gabar, taasi oo shaki weyn gelisay maadaama haweenka aan looga baran inay diyaaradaha kaxeeyaan.

Kabtan Yasmin oo uu caawinayay duuliye rag ah ayaa la hadashay rakaabka inta aanay diyaaraddu duulin, iyadoona sheegtay in mas’uuliyadda ay saaran tahay dadka rakaabka ah, isla markaana dhinacoodana ay tahay masuuliyad saaran bed qabka diyaaradda iyo inay la socdaan bad qabka diyaaradda haddii cillad ku timaado.

Diyaaradda oo siday ku dhowaad 30-rakaab ah ayaa siyaabo kala duwan hadlay in diyaaradda ay saaran yihiin ay waddo qof haween ah ayay sheegeen inay si weyn u soo dhoweynayaan gabadha Soomaaliyeed.

Duuliye Yasmin Cabdi Faarax oo ay ku adag tahay ku hadalka af Soomaaliga ayaa sheegtay in diyaarad wadista ay ku baratay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoona sheegtay inay si weyn u daneyneysay diyaarad wadista, iyadoona sheegtay in markii ay ka baxday dugsiga sare kaddib ay waxbarasho u gashay barashada diyaarad wadista.

Waxay kaloo ka warbixisay Kabtan Yasmin hababka kala duwan ee diyaaradda loo wadayo xilliyada ay hawada ku jirto, waxay hoosta ka xariiqday in hamigeedu yahay sidii ay u noqon laheyd duuliye caalami ah.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=wPKi8qatkcs?feature=oembed&w=696&h=392]

About Author