Post View....

Heshiis Is Afgarad Ah Oo Laga Gaaray Kulamo U Socday RW Kheyre Iyo Ahlusunna

0
132

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulamo xasaasi ah oo Saacado badan qaatay,kuwaasi oo u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca.

Kulamada u socday Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa looga hadlayay arrimo kala duwan oo qodobka ugu weyn uu ahaa cida sugeysa amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo arrimo kale,waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinca ay wada gaareen heshiisyo is afgarad ah.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Xukuumadda iyo Ahlusunna Waljameeca ay ku heshiiyeen in howlihii ka socday Magaalada Dhuusamareeb ay sidoodii usii socdaan,isla markaana deegaanada maamulka Galmudug aan laga soo dejin Ciidamo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay laga soo kala celiyay diyaarado Ciidamo gaar ah siday,kuwaasi oo la sheegay in dowladda Federaalka dooneysay in laga dejiyo halkaas,hayeeshee dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhawaan ku heshiiyay in amniga dowladda Dhuusamareeb lagu wareejiyo Ciidanka dowladda,isla markaana  la qareemayay Ciidankii ka tirsanaa Ahlusunna,kuwaasi oo lagu wareejiyay dowladda Federaalka.

About Author