Post View....

GUMAYSIGII INGIRIIS 1941 LAWAREEGAY SOMALIYA SYL LABAY XORAYSAY 5 TII, WAQOOYI IYO KOONFUR

0
121

Waxaynu wada ogsoonahay in dalkeena soomaaliya loo qaybiyay shan qaybood,iyadoo dadku yihiin isku diin,isku dal,isku dad,isku af,isku isir oo wada ah soomaali. waa taariikh cad 1884 in magalada baarliin laynagu qaybsaday. ma aha hada in aan ka sheekaynayo halgamadii gumaysiga ay dadka soomaaliyeed kala hortageen iyo wixii dhacay xiliyadii gumaysiga.
Hayeeshee waxaan u istaagay in aan in yar xasuusiyo dadka soomaaliyeed qaabkii ay u xoroobeen 1960 kii.inagoon ahayn dad soomaaliyeed dalkaa balaarana illaahay ina siiyay ah dad muslim ah oo wada dhashay,ayaa iyadoon waxba laynaga waydiin maalin cad rag dalkeenii iyo dadkeenii ku qaybsaday saan kor ku xusnay magaalada baarliin.
Gumaystaha cadaanka ahaa ee manaxa ahi wuxuu inoo diiday hormar iyo xor uugu noolaansho dalkeena isagoo inagala dagaalamay,maskaxda,dhaqaalaha, aqoonta,iyo midnimadeena ah wada jirka. hayeeshee waxa uu ku dagaalamay gumaysigu dhexdiisa khayraadka iyo nicmada taala dalkeena soomaaliya. haduu dagaalamay waxaa guulaystay Dawlada INGIRIISKA oo ka adkaatay Talyaaniga oo haystay koonfurta soomaaliya qaybna u helay.
INGIRIISKU waxa uu lawareegay dalka soomaaliya oo dhan Talayaanigana waa laga qaaday koonfur oo MOGDISHO waxaa soo dagay oo qabsaday INGRIIS 1941. Magaalda JIGJIGA waxaa fadhiyay INGIRIIS,HARGAYSA ingiriis, dhulka NFD ingiriis intaas oo dhan isagaa haystay,waxa uu san haysan oo kaliya waa jabuuti oo faransiis haystay.
Dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen dad waligoodba neceb oo iska diiday heeryada gumaysiga,sida dhaqdhaqaaqii Ahmed Guray,Halgankii Sayid maxamed Abdulle Hasan ee Daraawiishta,iyo dhaq dhaqaaqyadii gobonimadoon ee ka jiray MOGDISHO iyo HARGAYSA IYO  JIGJIGA sida SYL,SNL,USP. Soomaalidu waligeedba shisheeyaha wayska caabin jirtay oo gayigeeda ilaashan jirtay.
Dhaq dhaqaaq yadii xornimadoon,waxaa uugu waynaa kii  SYL oo ahaa mid ay ku midaysantahay umada soomaaliyeed meel kasta oo ay dagto,kaasoo lagu aas aasay MOGDISHO 1943 maskax katimid 13 dhalinyaro soomaaliyeed. Waxaa kaloo jiray laba dhaq dhaqaaq oo ka jiray gobolada waqooyi halkaana ku koobnaa oo ahaa SNL iyo USP. waxa ay SYL dalka oo dhan ka furatay xafiisyo halganka laga wado sida MOGDISHO,HARGAYSA,HARAR,JIGJIGA meelo badan koonfur iyo bari iyo galbeed iyo waqooyiba soomaaliya. waxaa aduunyadu dareentay awooda syl iyo soomaalida doonaysa madax banaani dalkeeda.
Dawlada INGIRIIS waxay go aan satay oo reer galbeed isku raacay 1950 kii in dalka Soomaaliya la xoreeyo lana siiyo xoriyadiisa loona aqoon sado dawlad.waxaana hoosta laga xariiqay oo laysla waa faqay in 1960 lasiiyo soomaali xoriyadaas. waxa hadaba laysku raaci waa yay dawladee soomaali tababaraysa mudo 10 sanadood ah si ay isu maamulaan oo xilka ugala wareegaan gumaystaha baxaaya.
Wadaniyiintii  syl  ee soomaaliyeed waxay samaysteen calan lagu midaysan yahay,oo uu fakaray halgamaagii waynaa Liibaan cawaale kaasoo lasoo bandhigay 1954 si loo taago kolkii gumaysigu baxayo oo ah 1960 kii oo hore loo qoondeeyay soomaaliduna ogayd.
Waxaa soomaali haleelay imtixaan wayn oo dhaawacay soomaaliya oo ahaa in INGIRIIS in uu inagaarsiiyo xoriyada oo 10 kaa sanadood isagu inasii tababaro ahayd ayaa waxaa diiday oo ku qabsaday Talyaaniga.waxayna isku dacweeyeen dalka maraykanka,isagoo talyaani ku dooday 3 meelood oo aan afrika qayb uuga helay waa in mid uun la iidaayaa,waa ERATARIA,LIIBIYA,IYO SOOMAALIYA. maadaama buu yiri dagaalkii aduunka aan kamid ahay dawladihii laga adkaaday wax ha la ii reebo oo yaan laygu sii tuman. INGIRIIS waa diiday,maraykan wuxuu go aamiyay in golaha qaramada midoobay lageeyo dalalkan midkii lasiin lahaa talyaani in uu lugta kusii hayo.
LIIBIYA waxaa u hiiliyay dunida carbeed oo kaashanaysa hindiya iyo wadamada qarada aasiya badankooda oo waliba ku guulaystay in ay helaan garab.ETATARIA waxaa difaacatay Ethiopia iyo xulufadeeda oo ay ka heshay garab. SOOMAALIYA mahelin cid garab siisa oo difaacda sidaa ayaa loo siiyay soomaaliya.
INGIRIIS ayaa diiday oo yiri dadkii soomaaliyeed xornimay diyaar u yihiin Talyaani marabaan iyaga oo xasuusan hab dhaqankiisii xumaa ee gumaysi sidaa daraadeed maadaama aan gacan ku hayo soomaaliya oo dhan marka laga reebo jabuuti aniga ii daaya 10 kaa sanadood. Talayaani oo xulufo weyn wataana waa diiday. MARAYKAN oo ku wareeray arinkooda ayaa go aamiyay in dadka soomaaliyeed la waydiiyo afti.
Leegada syl waxaa mabaadiidu ahayd u qoran oo dastuur u ahayd in lahelo dalkii lakala qaybsaday ee soomaaliyeed iyadoo ay xaaran tahay in laga dhigo shan qaybood dad iyo dal hal ah. waxaa mabaa diidoodu ahayd soomaaliweyn mid qura ah oo dalku midaysan oo xor ah. marna ma ogolayn kala qaybinta soomaaliyeed mab di iyan. 3 dawladood oo xaqiiqo raadin ah ayaa Mogdisho loo soo diray ah dadku maxay doonayaan TALYAANI mise INGIRIIS in uu 10 kaa sano tababaro?
TALYAANIGA ayaa khiyaameeyay ingiriiskii iyo soomaalidiiba,isagaana ku guulaystay.markaa ingiriis waa samray oo iska gaabsaday,caradii uu carooday NFD IYO SOOMAALI GALBEED IYO dhulkii hawdka la oran jiray RESERVE AREA wuxuu kala siiyay Kenya iyo Ethiopia. hadaad is waydiinayso siday arinkaani u dhacday xaq baad u leedahay laakiin maqaal kalay u baahan tahay in aan ku kala dhig dhigo hadii loo baahdo.
Laakiin dhaq dhaqaaq yadii gobonimadoon,ma niyad jabin ee halgankii waa sii wadeen Hargaysa iyo Mogdisho waxay diyaar u ahaayeen iyagoo isku duuban in ay calankooda taagtaan buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh oo ahaa calanka kaliya ee umada soomaaliyeed lahayd kuna midaysnayd ilaa hada. dad ayaan aad u fahan sanayn maxaa keenay in 26 juun in calanka laga taago Hargaysa maadaama balantu ahayd lagaaray 1950 kii, in mar lawada taago INGIRIISNA meesha kabaxo MOGDISHANA laga taago laguna xafladeeyo?
Waxaa jiray rag wadaniyiin ah oo kacabsi qabay in dadka kasoo horjeeday xiligaa in soomaaliya xorowdo,iyo rag la shaqaynaayay oo isticmaarsigu maskaxda ka dhaqay oo aamin sanaa in Soomaaliya ay san israacin dawlad qurana aysan noqon ee ay ahaato sidii lookala qaybiyay,ayaa tagay  Magaalada LONDON oo yiri hadanasii sii anaga ogo laansho ah in aan calankayaga taagano oo xoroowno ingiriisoow. INGIRIIS wuxuu yiri calankiina Soomaaliyeed in aad taagataan ood xoroowdaan cabsi malaha oo horaan uuga heshiinay soomaaliyeey oo waxaa laga taagi MOGADISHO 1 luuliyo 1960.
Waftigaa oo ka koobnaa 5 nin oo ka yimid waqooyiga Soomaaliya, ayaa markii danbe oo aad u baryeen ingiriis ku yiri warqadna kaga sixiixay,in ay MOGDISHO tagaan oo aysan khilaafi karin go aankii dawladuhu iyo soomaliya lagu heshiiyay ee ahaa in soomaaliya lasiiyo xoriyada halmar iyagoo iyana aqbalay. halkaa waxaa ku fashilmay damacii dadkii qarsoonaa ee gumaysiga u adeegaayay.
Dalka soomaaliya majirin dawlad calan lahayd oo madaxweyne lahayd oo kala wareegtay gumaysiga maamul oo aan ahayn midaa dhalatay 1960 kii manajirin dalal soomaaliyeed oo kala ah british somaliland iyo itaaliyaan somaaliland. dalka oo dhan ingiriis ayaa haystay 1941 kana baxay 1960kii. waxaana kenya iyo ethiopia haysataa dad iyo dhul soomaaliyeed INGIRIIS siiyay, iyo jabuuti oo si dadban wali uu u haysto faransiis oo aan helin xoriyad taaba gal ah wali.
Wadaniyiinta soomaaliyeed ee ka halgamaysay waqooyi iyo kuwa koonfureed bari iyo galbeed halbay ahaayeen syl waxay daganayd HARGAYSA dadkuna wuxuu aamin sanaa soomaalinimo iyo wada jir dawladna maynaan ahayn ee dad iyo dal lakala googoostay oo laguumaysto ayaynu ahayn, xiligaa waxaa jiray dad u adeega isticmaarsiga oo kasoo horjeeday xoogagii gobonimo doonka soomaaliyeed siday hadaba u jiraan. cidkastoo soomaali kala goaynaysaa waa uun hirgalinta fikirkii isticmaarsiga cadawga ah ee dalkeena gumaystay.
Dadka soomaaliyeed ha ilaa shadaan walaal nimadooda hays raaco hagarto wixii awoowyaalkeen diideen oo ah gumaysi iyo kala qaybin soomaali.dhab waxaa ah in gacanteena ay soo galayaan dalka laynaga haysto maalin kamid ah maalmaha aduunka.Soomaalidu haka feejignaato dadka isticmaarku samaystay ee fulinaaya afkaarihiisii ahaa kala qaybinta dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed. waana danbi weyn kala qaybinta qaranka soomaaliyeed cidii lagu helaa aduunyadana maanta waa mid umaduhu isu tagayaan oo midoobayaan,nina ma ogola in dadkiisa iyo dalkiisa lakala qaybiyo. wadamada yurub iyagiibaa midoobay oo isu tagaaya inagiina waa ina kala qaybinayaan suuro galmaha mana aqabalayno in afrika dib danbe loo adoonsado.
FIIRO GAARA Dalkeena Soomaaliya waxaa ka jiray kontomeeyadii dawlad daakhiliya ah oo calankeeda lahayd buluuga ah ee xidigta cad leh.waxaana xukumay cabdullahi ciise ilaa julay 12.1960 kii koonfur iyo waqooyiba.halkaa dawlad ayay dadka soomaaliyeed ku midaysnaayeen.waxayna xoriyada ka qaadatay soomaaliya INGIRIIS oo dalkoo dhan qabsaday konfur iyo waqooyiba 1941 dii. waxaa jiray dad soomaaliyeed oo ku sugnaa koonfurta soomaaliya iy gobolada waqooyi oo diidanaa,soomaaliya oo mid ah xorowdana iyagoo fulinaayay kala qaybintii isticmaarsiga iyo mabaadiidii gumaysi. wadaniyiintii soomaaliyeed way kahortageen oo ka adkaadeen fikirkii cadawga iyo kala qaybinta soomaaliyadii daakhiliyada heshay. majirto dawlado soomaaliyeed oo isku biiray oo israacay sida cadawga soomaaliyeed umada ku khaldaba.markii daakhiliyada aynu haysanay laynama oran heshiiskiina ma ahayn qaramada midoobay yaalay in 1960 ka la dhiso laba dal oo xor ah oo ah dawlado soomaaliyeed. balse waxay ahayd in koonfur iyo waqooyi oo dawlad ah ay qaataan calankooda sidii ayayna u dhacday. 4 maalmood ee u dhaxaysay calanka in laga taago HARGAYSA IYO MOGDISHO waxay ahayd arin siyaasad oo wadaniyiintii syl ku badbaadinayeen dalka iyagoo ka ilaalinaayay in daba dhilif ka faa iidaysto geedi socodkaas ee ma ahayn dalal lakala xoraynaayo oo kala duwan syl waxay fadhiday HARGAYSA. waxaa gaalkii INGIRIIS dalkeena siiyay kenya iyo ethiopia oo uu ugu talagalay in mustaqbalka aynaan noqon daris isku wanaagsan oo nabad ah iyo dano kale oo guracan.
Soomaalidu waa in ay gacmaha is qabsadaan dalkoodana ka ilaashadaan gumaystaha iyo kuwa u shaqeeya isticmaarsiga kuwaas oo wadaniyiinta soomaaliyeed horaba ula soo daagaali jireen,ogaadana in ay wali jiraan nacabkaasi.
Yusuf Omar

About Author