Post View....

Farmaajo oo Deni kala hadlay sii deynta Xubnaha xiran

0
118

Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay Madaxweynaha DG Puntland sii deynta Xubnaha xiran ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso

Muqdisho, luulyo 20, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in xubnahaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

About Author