Post View....

Guddoomiyaha D/Xamarweyne “Daqiiqado kadib meesha oo dhan ayaa noqotay dhaawac,dhimasho iyo burbur..”.

0
113

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Hoolka Shirarka Xarunta maamulka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed oo kamid ah ahaa dadkii fadhiyay Hoolka uu shirka ka socday xiligii uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa uu sheegay inuu weli ka Murugeysanahay dadkii dhimashada iyo dhaawaca ku noqday Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Gobolka Baanadir.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inuu ku soo baraarugay,iyagoo dhulka la wada jiifo, meesha dhan ay noqotay dhaawac iyo dhimasho iyo burbur,waxaana uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxaas,sidoo kale dadka dhaawacmay oo uu kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo.

“Allaah ayaa mahad iska leh oo iga badbaadiyay qaraxii Al-Shabaab nala beegsadeen waxaan wali la murugeysanahay Asxaabteydi qaaliga ahaa oo wax yar ka hor aan wada faraxsaneen daqiiqada kadibna aan ku soo baraarugay anagoo dhulka wada jiifno meesha oo dhan ayaa noqotay dhaawac iyo dhimasho iyo burbur.
Wali qalbigeyga wey ka bixi la’dahay wixii meesha ka dhacay Asxaabti meesha nooga shahiiday Allaaha u naxariisto, inta dhaawaca ah ee uu ugu horeeyo gudomiyaha gobolka banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cisman Yariisow Allaaha caafimaad dag dag ah hasiiyo”

“Aniga waxaa igaaray jab kalxanta ah iyo firir yar ah oo lugta ah iyo muraayadihi hoolka oo wajiga iga dhaawacay, alxamdulilaah ilaahey intaas iigu simay ayaa mahad iskaleh Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Asxaabti isoo booqatay iyo kuwii iisoo duceeyay, aad ayaad u mahadsan tihiin”ayuu yiri Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas,iyagoona sheegay in ay bartilmaameedkoodu ahaa Xoghayaha Qaramada Midoobey u jooga Soomaaliya ee James Swan,kaasi oo daqiiqado kahor ka hor ka baxay Xarunta Gobolka inta uusa dhicin Qaraxa.

About Author