Post View....

Garaadihii ALLA ha u naxariisto!!!.

0
110

Marka ciidan la qoranayo ama la dalacsiinayo waxaa loo baahan yahay 2 Shardi: in Baahi ey jirto & in dhaqaale loo hayo.

Waa dhab waxaan u baahanahay Ciidan badan oo Awood leh, si nabadgalyada loo su’gu.

In ciidan la qorto ama la dalacsiiyo waa baahi Ka jirto caalamka oo dhan, laakin waxaa Jira shuruudo iyo sharcigii caqli gal ah oo lagu xakameeynayo.

Tusaale : Dowlada Mareykanka

Mareykanka,1600 Asgari marka ey Soo kororto waxaa Soo kordhayo 1 janaraal. Hadda wixii Ka dambeeyay July 2014, tirada Janaraalada waxaa lagu xadiday 231 janaraal sida uu qabo sharciga ( US Code 10.u.code S 526) waxaana lagu koobay 231 janaraal, in kasta oo ey jiraan 315 Janaraal oo ah ( 0-7. & 0-10) , haddii loo baahdo Guddiga Nabadgalyada Qaranku waa gaarsiin karaan 310 janaraal.

UK

Dowlada Ingriiska tirada Janaraalada iyo saraakiisha kale waxaa la dhintay 40/100 waxa ey ahaayeen 141 waxaa laga dhigay 85 Sarkaal.

Israa’il oo leh ciidan 60,000 rag ah iyo 60,000 Dumar , iyo Ciidanka keydaka oo ah 1,554,186 waxa ey leeyihiin 25 Janaraal oo kaliya.

Nageeriya, wixii hore u joogay iska dhaafe hadda 20/Nov/ 2017 waxaa la dalacsiiyo 136 G/ Sare oo Janaraal laga dhigay iyo 45 Janaraal oo hore S/ guuto u ahaa oo laga dhigay S/ Gaas.

Somaliya

Somaliya, Markii aan madaafiicda goobta baranayay, Taliyihii berigaa waxa uu noo sheegay oo aan xasuustaa in: tirada Ciidamada iyo Darajadu isku xiran yihiin, oo celcelis ahaan 11Asgari oo Unug ah uu la socdo Alifle ama Laba Alifle. 3-4 Unug oo ah Koox waxaa la socdo Xidigle , 3 Koox oo Horin ahna 2 Xidigle. 3 Horinna oo Urur ahna Gaashaanle ama Ka sare, Ururkaa horimahiisa waxaa la socdo, Ururka taliska, Kan lidka taangiga, Kan madaafiicda, iyo xoojiska, 3 Ururu Ciidanka lugta ah iyo Ka Sare. Janaraal, 3daa waxaa wehliya Ururada taliska, Lidka Taangiga, Madaafiicda goobta, Hoobiyaha,Xoojiska iyo qeybaha kale.

Celcelis ahaan muddada dalacaada, Xidigle – Laba Xidigle 4 Sanno. 2ba Xdigle – Dhame 3 Sanno. Dhame – Gaashaanle 4 Sanno.Gaashaanle-G/ dhexe 4 Sanno. G/dhexe- G/Sare 5 Sanno, haddeyna jirin dalacaad mudnaan gaara ah. Janaraalna kadib ayaa lagu bixiyaa hab Maamul ama siyaasad.

Somaliya, Hal Asgari marka la qorayo ama Sarkaal la dalacsiinayo illa Miisaaniyada lagu Soo daro Mushaarkiisa, gunnasiisa howlaha gaarka ah, kharajka xafiiskiisa, caafimaadkiisa iyo gaadiidka oo weliba baarlamaanku Soo ogolaado lama qaadan Karin lamana Dalacsiin Karin,si loo daboolo baahida Asgariga.

Xuriyadii kadib 6 mar ayeey ciidamada Ku dhacday(Fatahaad Dalacaad) oo wax u dhibi karta jiritaanka Ciidamada, taa oo keentay in Ciidankii burburay.

Hadda Ciidan ma leenahay ? Haa, waan leenahay Ciidan, in kastoo qoraalka Amanda Sperber ee 7August 2018 ( Somalia a Country without an army) ey Ku qoran tahay in uuna jirin ciidan, tiisa waxaa Ka muhimsan warbixinta UN ee Bishii May 2015 oo leh waxaa jiro oo diiwaan gashan 13,829 xooga dalka ah iyo 5,134 police ah, hab biometric ah lagu diiwaan galiay.waa bilaaw fiican ALLA ha guuleeyo.

Waxaa la sheegaa in Janaraaladeena marka lagu daro kuwa maamul gobaledyadu magacaabeen aan Ka Janaraala badanahay Dowladaha Aduunka ugu quwadda weyn.Run miyaa?

Maanta

Maanta ayaan Sarkaal hore weeydiiyay, Ka waran Dalacaadda hadda jirto Iyo Mudada lagu Dalaco? Waxa uu igu yiri: Darajo Ciidan ALLA ha u naxariisto. Runtii miyaa? Ma ogi.

FG: wixii aan Ka khalday Ka sax, wixii Ka dhimanna Ku dar, wax badan ayaa is bedelay kadib warbixintii uu na siiyay Taliyaheygii hore.

Qore: Yahya Amir

About Author