Post View....

Dowlada turkiga oo cambaareysay Qaraxii ka dhacay shalay Mogdishu

0
98

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi waxay sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan Weerarkii Is-qarxinta ee shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaraddu soo saartay waxay ku sheegeen inay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 10-qof, kuna dhaawacmeen dhowr kale.

“Waxaan Naxariista Allaah u rajeynaynaa kuwii naftooda ku waayey qaraxaasi iyo inay si degdeg ah u bogsadaan kuwii ku dhaawacmay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga waxay sheegtay inay tacsi Saxaiibtinimo iyo mid Walaaltinimo u dirayaan Dowladda Federalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

About Author