Post View....

Gen. Muungaab Oo Dowladda Ku Eedeeyay Inay Ku Fashilantay Aminga Muqdisho

0
124

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  ayaa waxaa si kulul u Cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Gen. Muungaab ayaa dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa uu Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo,halka kuwii ku dhaawacmay uu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa Alle uga baryay inuu badal qeyr leh siiyo dadkii ku hanti Beelay qaraxii loo adeegsaday gaariga ee ka dhacay Bar-Koontarool oo ku taalla Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Dhinaca kale Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Madaxda dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku fashilmeen sugida Aminga Caasimadda.

“Waxaa Xaqiiqo ah in Amnigii Caasimadda Muqdisho uu Faraha ka baxay, ayna shaqeyn waayeen qorsheyaasha Dowladda hadda jirta ee kaliya Magaalada ka dhigay Xabsi kor ka furan, nolosha Shacabkana ciriiriga gelisay, balse wax ka ka qaban weeyday sugidda Amniga Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Mana muuqato wax Horumar ah oo Hay’adaha Amniga Xukuumadda ka gaareen Sugidda Amniga, Sidoo kale Ma aragno isla xisaabtan dhab ah oo ku wajahan Hay’adaha Dowladda dhexdooda, taas bedelkeedana waxaa Darajo iyo Abaal marin lagu bixinayaa Fashilka lagu dhex jiro”ayuu yiri Gen. Muungaab.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaana ku geeriyooday 17 ruux oo isugu jiray Askar ka tirsan Ciidanada dowladda iyo dad shacab ah,halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.