Post View....

Dhowr Qof Oo Surka Looga Gooyey Dalka Masar

0
120

Saraakiisha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in Maleeshiyo gacan-saar la leh Kooxda Daacish ay 4 qof surka kaga gooyeen Waqooyiga Gacan-biyoodka Siinaay.

Maleeshiyadda ayaa la sheegay inay shlaay weerareen koox dad ah oo ku sugnaaDegmadda Yar ee Bir Al-abdi, kadibna ay qoorta ka gooyeen 4 qof, halka qof 5-aad ay horey u afduubteen.

Wararka waxay sheegeen in Dhibanayaasha la dilay iyo midka la qafaashay ay Maleeshiyadda ku tuhmeen inay la shaqeeyaan Ciiddanka Ammaanka ee dowladda Masar.

Maleeshiyadda taabacsan Kooxda Daacish waxay ka hawl-galaan inta badan Deegaanadda ku teedsan Lama-degaanka Gacan-biyoodka Siinaay, waxayna beegsadaan Ciiddanka Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi.

About Author