Post View....

Ugu Yaraan 12 Qof Oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Dhismo Ku Yaalla Japan

0
115

ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyootay, ku-dhawaad 40 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii uu saakayto dab ka kacay Dhismo Istuudiyo lagu sameeyo Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee (Cartoons) oo ku yaalla magaalladda Kyoto ee dalkaasi.

Boliska waxay sheegeen in Nin 41-jir ah ayaa lagu tuhunsan yahay inuu wax dareere ah ku buufiyey Dhismaha Istuudiyaha oo ka kooban 3 Dabaq.

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu bilaabay dabka ka kacay Dhismahaasi  waxa uu ka mid noqday 40-kii qof ee ku dhaawacmay shilkaasi, kuwaasi oo ay Ciiddanka Boliska u gudbiyeen Isbitaalladda, si loogu soo daaweeyo.

Warbaahinta dalkaasi waxay Boliska ka soo xigteen in 10 qof oo mayd ah laga helay Dabaqa 2-aad ee Dhismaha, kuwaasi oo ku caburmay qiiqa dabka.

Abaarihii 10-kii iyo barkii subaxnimo ee saakayto Xilliga dalka Japan ayuuna dabku ka kacay Dhismo Istuudiyaha oo ay leedahay Shirkadda farsameeysa Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee Kyoto Animation Company.

Shirkadaasi waxay caan ku tahay inay soo saaraan Taxanaha Filimadda Kartooniska ee laga daawaday Telefishinadda dalkaasi.

Shirkadda Kyoto Animation oo loo yaqaanaa KyoAni, waxaa la asaasay sannadkii 1981-kii, waxayna soo saareen Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee ay Jiilka da’da yar xiiseeyaan.

   

About Author