Post View....

COL. Waasuge “Dhawaan degmooyinka Gobolka Hiiraan waxaan ka bilaabi doonaan howlagallo ka dhan ah Al –Shabaab..”

0
107

Taliyaha guutada 5aad ee Gobolka Hiiraan COL. faarax Cali Waasuge ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee gobolkaas,iyaga oo ka wada hadlay howlagallada ka socda Gobolkaas.

Taliyaha ayaa sheegay in dhawaan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan ay ka bilaabi doonaan howlagallo ka dhan ah Al –Shabaab,isla markaana ay siwadajir ah u fulin doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale Taliyaha qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Janeraal Axmed Maxamed Calsow (Tareedisho) ayaa dhankiis sheegay in uu socdo qorsha Al-Shabaab looga saari lahaa dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiin,waxaana ciidamada uu ugu baaqay inay u diyaar bgaroobaan howlgalkaas.

Sidoo kale janeraal Tareedisho ayaa sheegay in ciidamada ay guulo waaweyn kazoo hooyaan dagaal ay dhawaan kula galeen Al-Shabaab tuulooyin hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

About Author