Post View....

Hay’adaha Caalamiga ee ka howlgalla Gobolka Mudug oo amar Culus la dul dhigay.

0
122

Maamulka Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku socda Hay’adaha ka howlgalla gobolkaas,kaas oo ku saabsan howlaha Shaqo oo ay hay’adahaas ka hayaan Guud ahaan deegaanada Gobolka Mudug.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa Haya’daha lagu wargeliyay in dhaqdhaaqooda Shaqo u soo gubiyaan Maamulka Gobolka si ogolaansho loo siiyo sida shirarka , Siminaarada iyo safarada intaba.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa la faray inay Hay’adaha Caalamiga kala Sahqeeyaan una fududeeyaan howlaha ay u hayaan Shacabka ku nool Gobolka mudug.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland.

 

 

About Author