Post View....

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Wada Degmo Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

0
110

Wararka aan ka heleyno Degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliya saakay halkaas ay ka wadaan howlgal xoogan.

Howlgalkan ayaa ka waxaa uu ka dambeeyay,kadib markii shalay qof la sheegay inuu shacab ahaa lagu dilay duleedka Degmada Buulo-Burte,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkaas goobta ay ka baxsadeen.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidamada dowladda saakay ay wadaan howlgalo xoogan oo lagu radinayo dadkii ka geystay dilkii shalay ka dhacay duleedka Buulo-Burte.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in howlgalka lagu qabtay dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo ay Ciidamada ka shakiyeen,isla markaana waxaa la geeyay Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin gudaha degmadaas.

Mararka qaar ayaa waxaa Degmooyinka ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan,waxaana inta badan Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

About Author