Post View....

Baaq loo diray Shacabka ku nool deegaanada uu ka taliyo Maamulka Hirshabeelle

0
118

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhaweeysay dadaalladii lagu kala dhex galay beello Walaallo ah oo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle, Cismaan Cabdullaahi Dhoore oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa uga mahadceliyay Odayaasha dhaqanka kaalintii ay ka qaateen xalinta dagaal beeleed ka dhacay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in la kala qaaday labadii beellood ee walaallaha ahaa,isagoona ugu baaqay dadka ku nool deegaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle in ay ka shaqeeyaan Nabadda si uusan dib ugu soo laaban dagaal dhex maro beello walaallo ah.

Dhanka kale hadalka Wasiir ku xigeenka ayaa yimid ka dib markii dhawaan labbo beel oo Walaallo ah ay ku dagaalameen deegaanno hoos yimaada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

About Author