Post View....

Waa aragtida Jamal Cali Xusseen ee Somaliland

0
125

Weli waxaan garan laayahay cabashadda faraha badan ee Somalia iyo Muqdisho laga cabanaayo. Laba mid uun weeyaan Reer Soomalilandoow:-
1. Ama Dawladda Muqdisho ee Somalia ayaa xoogaysatay ee yaan mar danbe waa dawlad taag daran lagu tilmaamin.
2. Ama inaga ayaa itaal daraanay Oo aan sidii hore ahayn. Weli heerkan Oo kale Somaliland lalama soo gaadhin. Siyaasadda arrimaha gudahu kolkay fiican tahay ayaa ay siyaasadda arrimaha dibaduna fiicnaata.

Hadaad doorashooyinkii qabsan kari laadahay Oo kolba dib u dhigayso, Oo cadaaladii iyo sharcigii shaqayn laayahay, Oo qalalaaso iyo dagaalo dhexdaada ka jiraan, oo cabashooyin tiro beelay ay Saami qaybsiga kuraasta dawladda iyo dhaqaalaha mashaariicda iyo Warshadaha aan hab maamuskeedii loo marin, Ma waxay Kula tahay in caalamku ku dhegaysanayo.

Kolba xaflad aynu inagu isu dhigno iyo cay dadka Reer koonfureed ay qaar u geystaan meel inama gaadhsiinayso. Habka diblomaasiyadeed iyo kan gude ahaanba ilaa aynu badelno sidaasay inoo ahaanaysa. Sownigii moodaayey mid ka mid ah wasiiradii Siilaanyo inuu TVga ka hor yidhi ” inagu dhinac baynu nahay dagaalka Yemen Oo xulufadda Sucuudiga ayeeynu ka tirsan nahay” maxaa dhacay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar ahayd lay nooga raacay oo aynu maanta uga cabanaa xoolo ayaa laynaga soo xidhay.

Waar sawtii ilaa dawladdii Daahir Rayaale xoolahu ay dhoofi jireen. Xisaabaha dhaqaale haba joogaane; Saldhigii Milateriga iyo dakadda dhan ee aynu bixinay miyeeynu wuxuun siyaasad ahaan ka faa’iidney oo ku badalanay? Maxaynu siisanay? Berigii aynaan bixin labaddan midna waxaan is leeyahay siyaasadeenii arrimaha dibadu way xoog badneyd sidan.

Caadifad iyo Farmaajo ayaa wax inaga soo xidhay ina wadi maysee, waxaynu u baahan nahay in talo la yeesho Oo wax layska dhegaysto, oo runtana laga midoobo. Xaflado iyo qudbado inama wadayaan. We should stop microphone diplomacy. Ninba tacabkii tallooy kaa maal

Economist Jamal Ali Hussein.

About Author