Post View....

Axmed Daaci ”Shabaab ama gabar shaqo kuma laha, Qaraxii Gobolka Banaadir Waa arin laga soo shaqeeyey …”

0
140

Gudoomiyhii Hore Degmada Wadajir Axmed Daaci Oo aad iyo aad uga hadlay qaraxii loo geestay xarunta Gobolka Banaadir ayaa wuxuu eeda saaray dowlada in ay ka gaabisay Amniga sugitaankiisa Gobolka Banaadir gaar ahaan madaxda Gobolka Banaadir.

”Qaraxaan shaki weyn ayey keentay waana la ogaan doonaa waxii ka danbeeyey…”

”Shakiga jiraa Waxaa waaye taliyayaashii Gobolka Banaadir meesha Ma joogin, Waxaan in laga soo shaqeyey Waa iska cadahay, laakiin Waxaan dowlada ka codsaneynaa in ay baaritaan dhab ah ay sameyso hadii kale Meeshaan Waa lagu kala tagaayaa”.

”Tan oo kale waligeed Ma dhicin in xafiifkii uu gudoomiyaha ka shaqeynaayey Qarax ka dhaco Waa arin laga soo shaqeeyey, shaki weyn ayaa jiro oo loo baahan yahay in wax laga qabto”.

”Arinta dhacday Waa arin laga soo shaqeeyey ee ma’ahin inay ay gabar geysatay ama Shabaab geestay, hadii aan arinkaan si dhab ah loo baarin oo shakiga jiro aan banaanka la soo saarin anaga Waxaan akhbaleyno Ma jirto hadii aan noloo sheegin wax aan Ku qanci karno”.

Madaxda Gobolka ayagaa is dayacay oo aan ka fakarin amaankooda, qof aan amaakiisi suki Karin dad kale amaakooda maa sugi karo Waa maya ayuu yiri Axmed Daaci.

”Tan kale dowladaha khaliijka oo arimahooda tuhun na geliyey oo maalmahaan dowlada Qatar wax lagu tuhmaayo iney geysatay dowladda Federaalka saaxiib la ah, arintaas tuhun weyn ayey nagelineysaa Waa in wax kaga qabtaa….”,

Wareysiga oo aad u dheeraa aadna Xiiso u lahaa Meeshaan hoose ka Daawo

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=_RcwWEsL278?feature=oembed&w=696&h=392]

About Author